Abaabul iyo dhaq dhaqaaq Ciidan oo Ka Jira Kismaayo iyo dagaal ka socda duleedka Magaaladaasi

0
1115

Kismayo20130608Sida ay ku soo warramayaan dadka deegaanka waxaa Saaka dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal laga dareemayaa Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in Saaka ay ku suganyihiin Nawaaxiga dekedda Kismaayo halka dhinacyada kale ay ku suganyihiin meelo kala duwan oo ka mid ah Magaalada Kismaayo kuwaaso oo qaar ka mid ah gacan ku heyntooda ay shalay la wareegeen.

Xaddiga Khasaaraha gaaray dadka Shacabka ah ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo warramayaa in ay sii korodhay waxaana dadka dhintay la sheegay in ay ka mid tahay Haweeney ku ganacsaneysay Suuqa Caanaha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Iftiin Xasan Baasto oo hogaaminayay Mid ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dhankooda 1 Askari uu kaga dhintay dagaalkaasi mid kalana uu kaga dhaawacmay.

Sikastaba waxaa haatan dagaal uu ka socanayaa Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaan lagu Magacaabo Boqolka Buush oo dhaca duleedka Magaalada Kismaayo.

 

Source: Shabelle