Al-Shabaab oo dishay labo ka tirsan saraakiisheeda

0
931

AlshabaabKooxda al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay iska dishay labo ka mid ah saraakiisheeda ugu waa-weyn.

Kooxda ayaa shalay xaqiijisay inay dishay Ibraahim Xaaji Jaamac (Al-Afghan) iyo Cabdixamiid Xaashi oo magaciisa xarakiga uu ahaa Macallin Burhaan, waxayna ku eedeysay inay tafaraaruq ka wadeen maleeshiyada dhexdeeda.

Ibrahim Afghan wuxuu ahaa nin ay aad u doondooneysay waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka, waxaa madaxiisa la dul dhigay abaal-marin 5 milyan oo doollar oo la siin lahaa ciddii bixisa xog ku saabsan meesha uu joogo.

Afhayeen u hadlay al-Shabaab ayaa sheegay in labada sarkaal lagu dilay is-rasaaseyn June 20 dhex martay iyaga iyo maleeshiyo loo diray inay soo xirto.

Waa markii ugu horreysay oo kooxda al-Shabaab ay xaqiijiso dilka labo ka mid ah madaxdeeda sare.

Sarkaal ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin warka sheegaya dhimashada Al-afghan.

Dagaalka gudaha ee ka dhex jira kooxda al-Shabaab ayaa u dhaxeeya, Axmed Cabdi Godane oo ah hor-joogaha ugu sarreeya kooxda, iyo garab kale oo yar, oo taageersan jihaadiyiinta shisheeyaha ah.

Khilaafka ayaa soo if baxay bil ka hor markii maqaayad shaaha lagu cabbo lagu khaarijin rabay Abu Mansur al-Amriiki oo ka tirsan garabka yar ee ka soo horjeeda Axmed Cabdi Godane.

Al-Afghani iyo Burhaan waxay labadooduba xubno ka ahaayeen garabka Abu Mansur Al-Amriki.

Hase yeeshee, garabka Axmed Cabdi Godane ayaa beeniyay inuu jiro dagaal gudaha ah, isagoo beeniyay inay labo u kala jabtay kooxda.

 

Source: Bar-kulan