Al Shabaab oo weerar qorsheysan la beegsatay Ciidamada Dowladda Kenya

0
825

AlshabaabAl Shabaab ayaa waxay xilligaan kordhisay weerarada ay ka geysaneyso Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya, iyadoo dagaalo faraha looga gubtay la gashay Ciidamada Dowladda Kenya.

Ciidamada Shabaab ayaa waxay xalay weeraro qorsheysan ku qaadeen fariisimaha Ciidamada Dowladda Kenya ku lee yihiin Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ku dhex maray dagaalo qaraar.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Ururka Raaskambooni, oo sidoo kale fariisimo ku leh Degmada Badhaadhe, ayaa waxay gurmad xoog leh ay u fidiyeen Ciidamada Dowladda Kenya.

Dagaalada qaraar ee xalay ka dhacay Degmada Badhaadhe, ayaa waxay sababeen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, oo ku kala yimid labadii Ciidan ee colaadu u dhaxeysay.

Ilaa shan askari oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dagaaladaan ku dhinteen. Waxaana jira warar sheegaaya in khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, ay intaasi ka badan karaan.

Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Maamulka Gobolka Jubbada Hoose Faarax Haybe Xaaji, ayaa wuxuu ku faanay inay dib u jabiyeen Ciidamadii Shabaab, ee weeraradaan ku soo qaaday Degmada Badhaadhe.