Xasan Daahir Oo Raadinaya Magangelyo Gaarayna Deeganka Qosoltire ee G/Mudug

0
641

XasanDaahirAweys20130625Horjooge Xasan Daahir Aweys oo Dooni naftiisa ugala baxsaday magaalada Baraawe gaarayna deegaanka Faax ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in uu tegay Tuulo loo yaqaano Qosol-tire, wuxuuna odaygu raadinayaa magangelyo, maadaama maleeshiyaadkii Shabaab ee uu ka soo cararay ay weli ku raad joogaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Odaygu uu xiriiro badan la sameeyay qabaa’ilka ku nool deegaanadaasi oo beel ahaan uu ka soo jeedo, warar kale ayaa sheegaya in odayaal ka tegay degmada Cadaado ay odayga xagiisa aadeen, inkastoo aysan kala caddeyn iney magangelyo siinayaan iyo in kale.

Dhinaca kale horjoogayaal kale oo ka baxsaday Baraawe ayaa la sheegay iney lug ku gaareen deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaas oo kala ah Xasan Afrax iyo Cabbdi Rabbi, sidoo kale Fu’aad Shongole oo ka mid ahaa horjoogayaasha Shabaab oo isna ka baxsaday Buulo-Barde ayaa gaaray deegaannada Qeydara iyo Dabagalo oo ka tirsan G/Mudug.

Hadal heynta ugu badan ee bulshada ayaa noqotay khilaafka u dhaxeeya horjoogayaasha Shabaab, iyadoo qof kasta isweydiineyso halka ay gabbaad ka helidoonaan horjoogayaashan, maadaama aysan jirin cid ay soo dhaweyn ka sugayaan oo ay hore abaal ugu galeen.