Iska horimaadyo Qasaare Geystay oo Gobolka Bakool Ku Dhexmaray Ciidamada Dowadda iyo Al-shabaab

0
870

Dhalinyarada20130618Wararka ka imaanaya degaano ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxa ay shegayaan in iska hor’imaadyo qasaare geystay oo u dhaxeeya ciidamada doowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al-Shabaab ay ka dheceen duleedka degmada Ceelbarde ee gobolkaasi.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in iska hor’imaadyadaasi ay dheceen kadib markii ciidamada dowladda habeenimadii xalay ay howlgalo ka fuliyeen duleedka Magaalada, haseyeeshee ay ku soo weerareen rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee gobolka Bakool ayaa Saaka Shabelle u sheegay in iska hor’imaadyadaasi ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac,balse wax a ay beeniyeen in dhinacooda qasaare uu soo gaaray.

Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Ceelbarde ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay saaka ku suganyihiin goobihii ay ka dheceen iska horimaadyadaasi ee gobolka Bakool ,halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Dowladda iyo Kuwa Alshabaab.

Source: Shabelle