Madaxweyne Siilaanyo oo wasiiro culus badalay kuwa kalena soo kordhiyay

0
144

Siilaanyo20130625Digreeto habeenkii xalay ahaa ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa muujinaysa isku shaandheyn weyn oo lagu sameeyey golaha wasiiradda ee Somaliland.

Digreetadu waxay muujinaysaa wasaarado cusub oo xukuumadda lagu soo kordhiyey, halka wasiiradii hore ay qaarkoodna xilalkoodii waayeen, kuwo kalena la isku beddelay.

Digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sidan u qorneed:

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.

S/No.

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade

3.Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri X. Ismaaciil Baandare

4.Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed)

5.Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal

6. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin

7.Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame

8. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille

9. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees

10. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule)

11. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye

12. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil

13. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar

14.Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil

15. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

16. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud

17. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir

18. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

19. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka)

Xafiiska Wararka Midnimo

LEAVE A REPLY