Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Degmada Cadaado lagu soo gaarsiiyay baabuurta dagaalada

0
1035

XasanDaahirAweys20130624Gawaari badan oo kuwo dagaalada ah ayaa waxay goor dhow ay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ay soo gaarsiiyeen Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Gawaaridaan ayaa waxay Sheekh Xasan Daahir Aweys ay ka soo galbisay inta u dhaxeyso Demooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxayna si nabdoon ay ku soo gaarsiiyeen Degmada Cadaado.

Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed iyo xubno kale oo la socday, ayaa waxay Sheekh Xasan Daahir Aweys ay soo gaarsiiyeen Degmada Cadaado, mana jirto wax dhibaato ah oo arintaan ka dhashay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isaga soo cararay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa wuxuu maanta uu ku sugan yahay Degmada Cadaado, muddo sanado badan kadib.

Ma cadda waxa ay tani iska bedeli kareyso Siyaasada qunyur socodka ee Maamulka Ximin iyo Xeeb, laakiin dad ayaa waxay su’aal iska weydiinayaan in arintaan ay Dowladda Somaliya, wax kala socoto iyo in kale.