Xilibaano Kenya kasoo jeeda oo taageeray Axmed Madoobe

0
1087

AhmedModoobe20130610Xilibaano dhowr ah oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya oo shalay la kulmay Axmed Madoobe oo kamid ahaa madaxweynayasha jubaland looga dhawaaqay, ayaa waxay sheegeen in Axmed Madoobe uu yahay madaxweynaha Rasmiga ah.

Dr. Maxamed Daahiye Ducaale oo laga soo doorto degmada Dhadhaab, ayaa mar uu VOA-da u waramayay waxa uu sheegay in kulanka ay la qaateen Axmed madoobe ay waxyaabo farabadan kaga wada hadleen.

“Waxaa laysla afgartay in Jubaland ay tahay gobol kamid ah dalka Soomaaliya, dastuurka Soomaaliya u dagana ay kuw ajahantahay Kenyana aysan rabin dhul Soomaaliyeed” ayuu yiri xilibaan Dr. Maxamed Daahiye Ducaale.

Xilibaan Daahiye waxa uu sheegay in dadka reer Jubaland ay dhisteen maamul ay raali kawada yihiin uuna hogaamiyo Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in maamulka Jubaland uu lamid yahay sida maamulada Puntland, Somaliland iyo Galmudug.

 

Source: Midnimo