Xukuumadda oo sheegtay in ay waddo dadaallo ay isugu keeneyso Dhinacyada isku haya Kismaayo

0
238

CabdixakiimFaqi20130611Isagoo la hadlayay Warbaahinta Wasiirka gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya ayuu sheegay in Xukuumaddo ay waddo sidii Waan waan iyo wada hadallo loo kala dhex dhigi lahaaa Dhinacyada isku haya Magaalada Kismaayo kuwaasi oo midba uu sheeganayo in uu Madaxweyne ka yahay Gobollada Jubbooyinka.

Wasiirka Gaashaadhiga Xukumadda Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa waxa uu Sheegay in Xukumadda aysan Marnaba u dulqaadan doonin Dagaallada Maalmihii dambe ka soo Cusboonaaday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

C/xakiin Xaaji Max’ud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga Digay Dhinacyada Kismaayo isku haya in markale Dagaallo ay ku dhaxmaraan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Hadalka ka soo baxay Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Dhawaan Kismaayo uu Dagaal ku dhaxmaray labo Madxweyne oo kala Sheegtay in ay xukumayaan Gobollada Jubbooyinka iyadoona Axmada Madoobe oo ka mid ah Madaxweynayaasha Gobolada Jubbooyinka uu Wasiirka Gaashaandhiga uu ku eedeeyay in uu Dagaallo ka wado Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay Axmad Maxamad Islaam (Axmed madoobe).

 

Source: Shabelle

 

LEAVE A REPLY