Ardey Somaaliyeed oo ka qalin jebisey Jaamacada Wuhan ee dalka Shiinaha

0
1430

Waxaa dhawaan lagu qabtay Magaalada Wuhan ee Dalka Shiinaha xaflad ballaaran ee lagu maamusayay qalin jabin arday ka qalinjabisay afar Jaamacadood ee ku yaal Magaaladaas, taasoo ahayd tii ugu badneyd arday mar kaliyah ka qalin jabisa jaamacadaha waddanka shiinaha ,ardaydaasoo tiradoodu ahayd 78 arday oo isugu Dhakhaatiir Caafimaad 59, Noocyada Engineering 18 iyo hal Barashada luqada Shiineeska.

Xaladdan oo si aad u sareysa loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Safaarada Soomaaliya ee uu hogaaminaayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Ambassador Yuusuf Xasan Ibrahim (Yuusuf Dheeg), Qunsulka(consular) Mudane Cawaale Cali Kulane iyo Wakiilka Safaraada ee Arimaha Ganacsiga (Commercial Attaché) Mudane Saciid Jaamac Mire iyo Waalidiinta Ardayda iyo Ganacsadeyaal Soomaaliyeed.

Waxaa qudbado dhaadheer habeenkaasi ka jeediyay Safiirka Soomaalida Mudane Yuusuf Xasan asagoo u mahad celiyay dhammaan ardaydii qalin jabisay isla markaana ugu baaqay in waddankeennu u baahanyahay aqoon yahanno fara badan khaasatan dhinacyada Caafimaadka iyo Dhismaha Qaranka. wuxuu kaaloo Safiirka uu ka hadlay Xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ay leeyiih labada Dal Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Dhammaan Wakiilada Safaaradda,Waalidiinta iyo Ganacsatada waxay kula dardaameen Ardaydii Qalin Jabisay in ay noqdaan kuwii Dalkooda iyo Diintooda Anfaca.

Ugu dambeyntii waxay Safaarada Soomaalida guddoonsiisay Ardaydii qalin jabisay Shahaadooyin , Xafladdaasina waxaa lagu soo gabagabeeyay Soomaaliyeey tooso, Toosoo isku tiirsada.

 

ChinaWuhanGraduation20130705_10

 

ChinaWuhanGraduation20130705_12 ChinaWuhanGraduation20130705_11
ChinaWuhanGraduation20130705_9 ChinaWuhanGraduation20130705_8 ChinaWuhanGraduation20130705_7 ChinaWuhanGraduation20130705_6 ChinaWuhanGraduation20130705_5 ChinaWuhanGraduation20130705_4 ChinaWuhanGraduation20130705_3 ChinaWuhanGraduation20130705_2 ChinaWuhanGraduation20130705_1