Baarlamaanka oo cod ku ansixiyey sharci la xiriira dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka

0
1020

Barlamaanka20130702Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay si aqlabiyad leh u ansixiyey sharci la xiriira dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka, waxay kal hore si wadajir ah u soo gudbiyey qorshahan wasaaradda garsoorka iyo Guddiga dib u eegista iyo hirgelinta arrimaha dastuurka, kaas shalay Baarlamaanka laga hor aqriyey qodobo horay Baarlamaanku ay u dalbadeen in laga soo badalo sharcigaasi oo maray aqrintiisii 3-aad.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo hirgelinta Baarlamaanka Maryan Cariif ayaa halkaasi ka aqrisay qodobadii laga soo badalay hindise sharciyeedkani oo ay xustay inay kujiraan qodobo qaarkood ay adag tahay in la bedelo, 144 Mudane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si gacan taag ah ku ansixiyey sharcigani oo ay ka soo horjeesteen xubno tiro yar oo Baarlamaanka ka tirsan sida uu madasha ka sheegay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda ku jira howlo shaqo oo aan caadi aheyn, taas oo ka dambeysay codsi kaga yimid Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ku aadaneyd in howshooda muddo bil ah ay ku daraan si ay u meel mariyaan sharciyadii ay soo gudbiyeen qaar kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya.

Source: Warkii