Dowladda iyo Somaliland oo isku qilaafey xarunta laga maamulayo hawada Somaliya

0
639

HargeysaAirport20130619Xili warar soo baxayay ay sheegayeen in si ay dowladda iyo Somaliland ugu heshiiyaan maamulka hawadda Soomaaliya laga maamulayo hawadda magaalada Hargeysa ayaa wasiirka warfaafinta taasi uu meesha ka saaray.

Isaga oo ka hadlayay Baarlamaanka, Wasiirka Warfaafinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxa uu sheegay in waxa lagu heshiiyay ay tahay in gudi ka tala bixiya nidaamka wax qeybsiga Hargeyso loo diro si uu fadhigooda halkaasi uu unoqdo balse waxa uu sheegay in hawadda laga maamulayo Muqdisho.

Laakiin dhinaca kale wasiirka Wasaaradda Duulista hawadda Somaliland ayaa goor sii horeysay ka digay in hawadda iyada laga maamulayo Hargeysa hadana laga maamulo Muqdisho iyo Kenya oo markii hore laga soo wareejiyay taasi oo sheegay in Mas’uuliyadeeda aysan qaadi doonin.

Heshiiskii Turkiga ayaa qodobadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in gudi loo xilsaaray Maamulka hawadda Soomaaliya iyo Somaliland sida heshiiska ku cad kaasi oo laga sugayo inuu kasoo tala bixiyo qaabka ugu haboon ee hawadda labada dhinac ay ku maamulan karaan.

Source: Warkii