Maxaa lagu soo gaboggabeeyaa bisha barakaysan ee Ramadaanka,qaabkee ayaana loo tukadaa salaadda ciidda? (Qaybtii ugu danbaysay)

0
675
Sheekh Maxamadeyn

 

Sheekh Maxamadeyn
Sheekh Maxamadeyn

Marka la gaaro gaboggabada Ramadaanka,dad badan baa qoomammaynaya,dadna wey farxayaan,dadna wey murugoonayaan, dadna cibaado bay ku dhammaysanayaan,dadna xumaan iyo denbi bay ku dhammaysanayaan,ciyaadan billaahi,habeenka iyo maalintuna si xawli ah bay isu beddalayaan,waxaadba mooddaa in aakhiru samanku soo dhow yahay, bani’aadankuna haddii aad fiirisid wuxuu ku jiraa safar,dadna waxay isku diyaarinayaan naarta,walciyaadu billaahi,kuwo kalena waxay isku diyaarinayaan jannada,Allaha naga dhigo kuwa isku diyaariya jannada,waxaynu imminka ku jirnaa maalmihii ugu horraysay ee Ramadaanka, waxaadna arkaysa maalmo kaddib iyadoo lagu jiro dhammaadka oo aynu soo gaboggabaynayno Ramadaankii.

Bisha Ramadaan marka la gaaro dadna waxay raacayaan wixii Allah faray,dadna wey ka kibri oo fuxshigii ay ku jireen bay sii wadanayaan,haddii aad ku tiraahdana Allah ka baq wey sii kibrayaan,dadna xataa hadalkii ayay joojinayaan waxayna u dhaqaaqayaan qur’aan akhris iyo barashada axaadiista saxiixda ah ka sugnaatay nebigeena sallallaahu caleyhi wasallam.

Marka uu soonku dhammaado maxay qoomammayn doonaan kuwii aan soomin,maxay shallaayi doonaan kuwii soonka ku jeesjeesayay oo dadkii soomana hortooda wax ku cunaayay,maxay kuwaasi oran doonaan maalinta qiyaame,maalinta xisaabta, maxay ku hadli doonaan haddii ay nafta ka baxdo iyagoo qaadka cunaya,iyagoo sigaarka cabbaya,iyagoo ribada cunaya,iyagoo separate ah,iyagoo dhex fadhiya meel ay naago qaawan ka heesayaan, maxay oran doonaan maalinta qiyaame haddii ay nafta ka baxdo iyagoo xamanaaya walaalahooda muslimiinta ah?

Dadka sooma oo Allah dartii uga hara cunidda iyo cabbidda,waxaa looga baahan yahay in dhaacada Rabbi ay sii wadaan kuna joogaan inta ay nool yihiin ee ma’ahan oo keliya in marka soonka la soo gaboggabeeyo faraha laga qaado qur’aan akhriska,xuska Allah,sunnooyinka salaadda iyo sunnooyinka soonka iyo kala ogaanshaha axaadiista saxiixda ah iyo kuwa daciifka ah,waana in la sii wadaa tukashada salaatullaylka.

Qofkii soo gaboggabeeyo soonka wuxuu xaq u leeyahay in uu ciiddeedana farxo,faraxaasoo loo baahan yahay in aysan u gudbin cayaar aan sharci ahayn,dadkana aan lagu dhibaynin,Cali bin abi Dhaalib Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:addoonku hadduusan maalin kasta Allah ku caasiyin,waxay maalintaasi u tahay ciid.

Labada ciidood ee soonfur iyo arrafo waa labo ciidood oo ay muslimiintu ciidaan oo ay farxaan weeyaan,waana ciid ay muslimiintu leeyihiin weeyaan,midna waxaa la ciidaya marka ay muslimiintu dhammeeyaan soonkooda,midna waa maalinta Carafaat laga soo laabto oo xajka la soo gaboggabeeyo,xadiis uu sunnooyinkiisa ku soo saaray abu Daawuud soona weriyay Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee,wuxuu sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama markii uu u haajiray Madiina uu arkay dadkii oo labo maalmood cayaarayay,wuu ka reebay,markaasuu yiri:Allah wuxuu idinku beddalay labo maalmood oo ka khayr badan,waana ciidda soonfur iyo ciidda arrafo,xadiiskan waxaa ansaxiyay sheekh Albaani,wuxuuna ku ansaxiyay saxiixu sunnan abu Daawuud.

Muslimiintu meel kastoo ay joogaanba waxaa ciid u ah labadaasi ciidood,Bukhaari iyo Muslim waxay saxiixoodu ku soo saareen xadiis ay soo werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qoon kasta wuxuu leeyahay ciid,innaguna ciiddeenu waa ciddan,macnaha waa ciidda soonfur iyo ciidda araffo, waana in loo dabbaaldego weeyaan oo la damaashaado,waana in laysku hanbalyeeyo layskuna duceeyo,carruurtana laga farxiyo oo haddiyad iyo dhar qurxoon loo iibiyo,waana maalin la doonayo in laga nasto shaqada iyo waxbarashada,xataa muslimiinta deggan arloda gaallada ah waa in ay ciidaan shaqadana ay ka joogaan,carruurtana waa in fasax looga soo qaado dugsiyada ay dhigtaan loona sheego carruurta in maanta ay tahay maalin ciid ah.

Xadiis ay sunnooyinkooda ku soo saareen Tirmidi iyo ibnu Maaja soona weriyay Anas bin Maalik wuxuu sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu ku afuraayay timir intuusan salaadda ciidda soonfur aadin,midda ciidda arrafona waxba ma cuni jirin ilaa uu ka soo tukado salaadda,waxaana xadiiskan saxiixu Tirmid iyo saxiixu ibnu Maaja ku ansixiyay sheekh Albaani,waxaa kaloo loo baahan yahay in aynan ka qaybgelin ciidaha gaallada ah, waana in aynan muujin faraxooda,carruurteenana aanu u oggolaan in ay ka qaybgalaan ciidaha gaallada ah iyo kuwa bidcoda ahba,waa in aan carruurteena u sheegno in aynu leenahay labo ciidood oo keliya kalana ah ciidda soonfur iyo ciidda arrafo,haddii ay dhacdona in aan ka qaybgalno ciidaha gaallada ah,waxay taasi noqonaysa in aynu u sharciyeenay ciiddooda.

Tukashada salaadda ciidda waa in lagu tukadaa meel bannaan ah,haddii ay suuraggal noqon weydana wax dhib leh ma’ahan in lagu tukado masjidka,salaadda ciidda ma lahan addin iyo aqim,lamana sheegin sunne ka horraysa ama ka danbaysa oo la tukado, hayeeshe haddii salaadda ciidda lagu tukanayo masjidka,waxaa qofka soo galo masjidka laga doonaya in uu la yimaado labadii rakcadood oo ahayd taxiyatul masjidka,haweenayda caadada qabtana looma oggola in ay dhex fadhiisato masjidka,laakiinse waxaa loo oggol yahay in khudbada ciidda ay ka dhegaysato masjidka bannaaankiisa.

Qofku marka uu xirto salaadda ciidda oo uu yiraahdo Allahu akbar,waxaa sunne ah in uu yiraahdo inta uusan waxba akhrin, toddobo goor Allahu akbar,marka uu u istaagana rakcadda labaad waa in uu shan goor yiraahdo Allahu akbar,sida ku xusan sunnooyinka abu Daawuud soona werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee,sheekh Albaanina wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixu sunnan abu Daawuud.

Habka takbiirta loo qaadayo maalmaha ciidda waxaa laga soo weriyay asxaabta nebiga sallallaahu caleyhi wasallama iyo taabiciinta Allaha ka raalli noqdee,waxaana habkaasi ka mid ah sida uu sheegay sheekh Cuthaymeen Allaha u naxariiste:

-Allaahu akbar,Allaahu akbar,Allaahu akbar,laa ilaaha illallaahu,wallaahu akbar,Allaahu akbar walillaahil xamdu,ama:

-Allaahu akbar,Allaahu akbar,laa ilaalha illallaahu,wallaahu akbar,Allaahu akbar walillaahil xamdu iyo kuwa la mid ah.

Waxaa fiican in marka takbiirta la akhrinayo in codka kor loo qaado,inta lagu dhex jiro masaajidda ama la marayo waddooyinka ama suuqyada iyo meelaha kaleba,sunnahuna kama mid ah in koox ahaan loo qaado takbiirta.

Su’aasha la is weydiinayo waxay tahay maxaa lagaa faa’idaystaa soonka,soonka bisha Ramadaan,waxaa lagu bartaa waxyaabo badan oo aan halkan ku soo koobi karin,waxaa kaloo laga faa’idaystaa waxyaabo badan oo khayr ah,nafsadda iyo maskaxduna daawo u ah,waxaa lagu tababartaa in aan soomi karno xataa maalmaha sunnaha ah,sida soonka maalinta isniinta iyo saddexda maalmood ee bil kasta iyo waliba maalmaha kale ee sunnaha ah.

Soonka bisha Ramadaan,waxaa lagu tababartaa oogidda sunnaha salaatullaylka, salaaddaasoo ah salaadda ugu fadliga badan tukashadeeda,salaadaha faralka ah kaddib,waxaa kaloo soonku lagu bartaa samirka iyo adkaysiga,iyadoo uu raashiin kala nooc nooc ah horteena yaalo ayaa loo diiday in ay nafsaddu damacdo,taasina waxay na tusinaysa in nafsadda noocaas oo kale ahi ay u hoggaansami karto amarka Allah,kana adkaan karto shaydaanka iyo wixii ehel u ah.

Soonka bisha Ramadaan,waxaa lagu bartaa sidii looga hari lahaa loogana fogaan lahaa dhammaan waxyaabaha uu Allah xarrimay, waxaa lagu bartaa qur’aan akhriska iyo xuska Allah,waxaa kaloo lagu bartaa axaadiista nebiga sallallaahu caleyhi wasallama, kuwooda saxiixda ah iyo kuwooda daciifka ah iyo kuwa been abuurka ahba.

Soonka bisha Ramadaan,waxaa lagu bartaa xishoodka iyo saddaqo bixinta,isla markaana waxaa lagu bartaa la dagaalanka wahsiga,shaqo la’aanta,waxbarasho la’aanta iyo wax akhris la’aanta,waxayna tahay fursad lagu baranayo xifdiga qur’aanka iyo axaadiista nebiga sallallaahu caleyhi wasallama.

Soonka bisha Ramadaan,waxaa lagu bartaa samirka iyo dulqaadka,waxaa kaloo lagu bartaa is kaalmaysiga iyo isku gargaarka, waxaa lagu bartaa is-ixtiraamka iyo is maqalka,waxaa kaloo lagu bartaa ka fogaanshaha xanta iyo ceebaha dadka aan laga shaqayn.

Waxaana xaqiiqo ah in soon iyo waxyaabaha xaaraanta iyo munkarka ah ee aan soo sheegnay aan la isla wadi karin,waana xaqiiqo in qofka daacadda ka ah islaamnimadiisa uusan sigaar cabbaynin,qaad cunaynin,shiisho cabbaynin separatena uusan noqonaynin, dadka uusan xamanaynin iyo wax kasta oo xaaraan ahna uu ka fogaanayo.

Su’aasha kale ee la is weydiinayo waxay tahay,ka haridda iyo ka fogaanshaha waxyaabaha munkarka ah ma wuxuu ku eg yahay Ramadaanka?,dabcan jawaabtu wey iska caddahay Allah ka cabsiga kuma koobna Ramadaan,balse qofka waxaa laga doonaya inta uu nool yahay in uu markasta ku joogo cabsida Rabbi,Allah wuxuu yiri:caabud Rabbigaa inta ay geerida kaaga timaado (suuradda Al-Xijr,aayad lambar 99),macnaha ilaa aad ka dhimato waa lagaa doonaya cabsida Rabbi ee ma’ahan in soon uun Allah la caabudo.

Intaas ayaan ku soo afjaraynaa arrimihii aan kaga hadlaynay bisha khayrka badan leh ee Ramadaanka,wixii aan saxay waa wax Allah xaggiisa ka ahaaday,wixii aan khaldayna waa shaydaan iyo naftayda,denbi dhaaf ayaana Allah weydiisanaya.

Allah waxaanu ka baryaynaa in uu soonkeena aqbal ka dhigo,salaaddeenana aqbal ka dhigo,Allah waxaan ka baryayna in uu naga dhigo dad markasta ku taagan cabsida Rabbi subxaanahu watacaala,jannadiisa fardowsa ahina uu na geliyo.

Subxaanakallahumma wabixamdika,Ash-hadu an laa ilaaha illaa anta,Astaghfiruka wa’atuubu ileyka.

Sh. Maxamed Xuseen