Qaar ka mid ah Madaxweynayaashii jubbooyinka oo soo gaaray Muqdisho

0
921

kismayo20130610Xilli Maalmahaan dambe Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Dagaallo ay ku dhexmarayeen Maleeshiyaad kala taageersan Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) iyo Barre Aadan shire ( Barre Hiiraale ) ayna ka dhasheen Khasaarooyin isugu Jira dhimasho iyo Dhaawac iyo Barakac Xoogan ayaa waxaa Xalay fiidkii Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay shaqsiyaad dhawaan sheegtay in ay Madaxweynayaal ka yihiin Gobollada Jubbooyinka iyo sidoo kale dhawaacyada kudhawaad 100 qofood.

Madaxweynayaasha is Magacaabay ee Maamulka Jubbaland State ee xalay la keenay Muqdisho ayaa waxa ay kala yihiin Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baaleey iyo Cumar Buraale kuwaasi oo iyaga iyo dhawaacyadii laga soo qaaday Kismaayo xalay fiidkii lagu keenay illaa Seddex diyaaradood.

Imaanshiyaha Masuuliyiintaan ee Magaalada Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib dagaal Magaalada Kismaayo ay kula galeen Hoggaamiyaha Raaskaambooni Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Sikastaba Dhaawacyada Xalay la soo gaarsiyay Magaalada Muqdisho ayaa isugu jira Maleeshiyaad ka mid ahaa dhinacyadii dagaalamay, qaar ka mid ah Ciidamada dowladda iyo dad Rayid ah , waxaana la geeyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo.