Qarax Ciidamada Sera Leon lagula eegtay Kismaayo

0
451

kismayo20130610Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in Qarax Khasaaro Geystay halkaasi lagula eegtay Ciidamada Sera Leon ee qeybta ka ah Howl galka AMISOM.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka Hore ee Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo ay marayeen Kolonyo Ciidamo Sera Leon ah , inkastoo aan la xaqiijin Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa hadana Rasaas ay fureen Ciidamada Sera Leon waxaa la xaqiijiyay in 4 qof ay ku dhinteen oo dhammaan Rayid goobta qaraxu ka dhacay ka ag dhawaa ah.

Lama Ogaan karo Khasaaraha gaaray Ciidamada Sera Leon Maadaama Goobta ay xireen dhaq dhaqaaqii Ka jiray Ciidamada Sera Leon ee weerarkaasi lala beegsaday.

 

Source: Shabelle