Qarax saakay ka dhacay Guri lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa oo ku yaala degmada Wadajir

0
76

Qarax20130616Qarax xoogan ayaa saaka waabarigii ka dhacay guri ku yaal degmada Wadajir, kaasoo lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa, iyadoo qaraxa ay ku dhinteen labo ruux, halka qaar kalena ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ka dhacay guri ku dhowaa xarunta Xalane oo talis u ah Ciidamada AMISOM, halkaasoo maamulka degmada Wadajir ay sheegeen in lagu farsameynayay waxyaabaha qarxa.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Wadajir Macalin Maxamuud Saney ayaa sheegay in labo ruux oo ahaa dadkii guriga ku diyaarinayay waxyaabaha qarxa ay ku dhinteen, dad guriga la degenaa dhaawac soo gaaray sida uu yiri.

“Guriga waxaa laga helay, qoryo, miinooyin iyo bambooyin, waxay aheyd goobta laga abaabulayay qaraxa, labo qof ayaa hada ku dhimatay, ciidamo ayaa ku gedaaman goobta, dad waa la qabtay”ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Qaraxan ayaa ahaa mid saameyn ku yeeshay gurigii uu ka dhacay iyo xaafadaha ku dhow dhow, iyadoo ciidamo ka tirsan dowladda ay wadaan howl galo ay ka sameynayaan xaafadaha ka ag dhow guriga qaraxa ka dhacay.

Source: Jowhar