Saddex ku dhaawacantay qarax ka dhacay Jowhar

0
584

Qarax20130616Saddex qof ayaa ku dhawaacantay qarax xalay ka dhacay xaafadda Hantiwadaag ee degmada Jowhar .

Qaraxa oo ahaa bam gacmeed lala eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda oo mararay waddo laami ah oo dhex marata xaafadda, waxaana dad goob-joogayaal ah ay Bar-kulan u sheegeen in ay goobta ka carareen dadkii geystay weerarka.

Labo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa lagu soo warramaya in ay yihiin rayid ku sugnaa goobta lagu weeraray askarta, halka qofka saddexaadna uu yahay mid ka mid ah askartii la weeraray, kuwaas oo dhaawacooda lagu daweynayaa isbitaalka degmada Jowhar.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda ee Jowhar oo birmad ku tagay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa baaritaanno ka sameeyey agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay, inkasta oo aan la soo sheegin cid ay u qabteen falkaasi.

Bamka lagu weeraray askarta ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Jowhar ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay magaalada lagu qabtay kulan looga arrinsaday in lagu adkeeyo ammaanka gobolka, kaas oo ay kasoo baxeen qodobbo ay ka mid yihiin hub ka dhigis lagu sameynayo dadka shacabka ah iyo howlgallo lagu doonayo in gacanta dowladda lagu soo galiyo deegaannada ay al-Shabaab uga sugan tahay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Source: Bar-kulan