Soomaali Boob baahsan loogu geystay K.Afrika

0
40

Kooxo Koofur Afrikaan ah ayaa dil iyo dhac waxa ay ugu geysteen Magaalada Pretoria ee dalka K.Afrika Soomaali halkaasi ku ganacsata.

Inta la xaqiijiyay Burcaddaan Koofur Afrikaan ah ayaa boobay illaa 22 dukaan oo Soomaalidu ay leedahay , boobkaasi oo kSouthAfricaRobbinghasaaro xoogan u geystay Soomaaladii lahayd dukaamadaasi.

Boobka iyo dilalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay Nin Madow ah lagu dilay goob ay ku ganacsadaan Soomaalida xilli uu dhac u geysanayay dukaan Soomaalidu ay leedahay taasoo keentay in dadka Deegaanka ay ku kacaan Soomaalida oo boob iyo bililiqo baahsan ay u geystaan Dukaamada Soomaalida.

Dalka K.Afrika oo ay ku noolyihiin Soomaali aad u badan oo halkaasi u tagay in ay ganacsi ka sameeyaan ayaa waxa ay had iyo goor la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil , boob iyo handadaad Joogta ah.

 

Source: Shabelle

LEAVE A REPLY