Su’aalo iyo jawaabo ku saabsan soonka iyo dhacdooyinka bisha Ramadaan (Qaybtii 5aad)

0
3352
Sheekh Maxamadeyn

 

Sheekh Maxamadeyn
Sheekh Maxamadeyn

Su’aalo fara badan ayaa culumada la weydiiyay oo ku saabsan arrimaha soonka,waxaan isku dayaynaa in qaar ka mid ah su’aalahaasi soo qaadano,waxaana ka mid ah:

*Su’aal: haweenay ayaa saddex maalmood iska daysay soonka,macnah saddexdaasi maalmood ma’aanay soomin,cudaddaar la’aan bayna u afurtay,iyadoo wahsi daraadii uga tagtay soonkii,muxuu noqonaya xukunkeeda?

=Jawaab: haddii ay arrintu sidaas tahay,waxay haweenaydaasi gashay denbi weyn iyadoo ku xadgudubtay xurmada Ramadaanka, Rabbi wuxuu yiri:kuwii xaqa rumeeyay,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa aaminay,waxaa la idinku waajibiyay in aad soontaan sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyay,waxaadna mudan tihiin in aad dhowrsataan oo aad Alle ka baqdaan oo aadan samayn wax Allah ka caroonaya (suuradda Al-Baqara,aayaad lambar 183), waxaa haweenaydaasi ku waajibta in ay saddex berri soonto iyadoo gudaysa maalmihii ay afurtay,haddii ay maalin ka mid ah maalmahaasi afursanaydna ay galmo samayso,waxaa ku waajibta kafaaro gud,haddii ay labo maalmood galmo samaysana waxaa ku waajibta labo kafaaro,halkii kafaarana waa xorrayn hal qoor,macnaha hal addoon,haddii ay heli karina,waa in ay soonto labo bilood oo isku xiga,haddii ay awoodi karina,waxay quudinaysa 60 miskiin, halkii miskiina waxay siinaysa nus saac oo bur ah ama timir ama bariis ama galley ah ama raashiinka ay markaasi cunaan dadka ay la deggan tahay.

*Su’aal: oday da’ ah iyo haweenay da’ ah oo aan soomi karin iyo qofka jirran oo daawo looga quustay oo iyagu aan soomi karin,
muxuu noqonaya xukunkooda?

=Jawaab: qofkii aan awoodi karin soonka sida dadka da’da ah ama qof kasta oo dhib ku ah soonka,waxaa loo fasaxay in uu afuro,
Rabbi wuxuu yiri:qofkii idinka mid ah oo jirran ama safar ku jira,maalmo kale ha soomo,(suuradda Al-Baqara,aayad lambar 184),
Rabbi wuxuu kaloo yiri:Rabbi naf ma kalifo wixii awooddeeda ah mooyaane,(suuradda Al-Baqara,aayad lambar 286),Allah wuxuu yiri:korkiina diinta kama dhigin dhib iyo ciriiri,(suuradda Al-Xaj, aayad lambar 78),waxaase lagu waajibiyay in ay maalin kasta hal miskiin ah quudiyaan, iyagoo siinaya nus sac oo bur ah ama timir ama wixii la mid ah oo ehelkiisu ay cunaan.

*Su’aal: nin iyo naag is qaba ayaa safar ku jiray weyna afursanaayeen,waxayna isla garteen in ay isu galmoodaan iyagoo safarkii ku jira,ma denbi bay galeen,muxuuse noqonaya xukunkooda?

=Jawaab: qofkii safar ku jiro wuxuu sharcigu u oggol yahay in uu afuro,ehelkiisana wuu u tegi karaa,hayeeshe waa in ay soonku gudaan marka ay safarkooda ka soo laabtaan,waxaana ku cad aayadda 185 ee suuradda Al-Baqara,wax denbi ah oo ay galeena ma jiro.

*Su’aal: qofku hadduu tukado oo keliya bisha ramadaanka,maalmaha kalena uusan tukanin, soonkiisu mala aqbalaya?

=Jawaab: salaadda waa tiirka ugu muhiimsan tiirarka islaamka,labada shahaaddo kaddib,qof kastana ay waajib ku tahay in uu la yimaado,qofkii inkarana ama wahsi daraadii uga tago waa gaalloobay,kuwase ramadaanka oo keliya tukanayo waxay khiyaaneen Allah,waxaana hoog u sugnaaday qoon oo aan iyagu Allah garanayn bisha Ramadaan mooyaane,mana ahan kuwaasi in ay tukadaan Ramadaanka oo keliya,maalmaha kalena aysan tukan,taasi haddii ay dhacdana waxaa ku caddaanaysa in ay gaallo yihiin,nebi Muxammadna sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri:ballanka inoo dhexeeya innaga iyo iyaga waa salaadda,qofkii ka tegana salaadda waa gaalloobay,xadiiskan wuxuu Axmed ku soo saaray Musnadkiisa,abu Daawuud,Tirmidi,Nasaai’ iyo ibnu Maaja,waxay ku soo saareen sunnooyinkooda,waxaana rasuulka sallallaahu caleyhi wasalama ka soo weriyay Bureyda bin Al-Aslami,sheekh Albaanina wuxuu ku saxiixay saxiixul jaamic.

*Su’aal: immisa kiilo meter weeyaan oo qofka safarkiisa ku afuri karo,hadduu safarkiisa ku soomana maxaa diidaya?

=Jawaab: qaar ka tirsan culumada waxay oggolaadeen in salaadda afarta ahi la soo gaabiyo inta safarka lagu jiro,haddii ay ramadaan tahayna la afuro,hayeeshe culumadu waxay masaafada safarka ku gooyeen 80 kiilo meter ku dhowaad,haddiise uu safarka ku soomo soonkiisu waa sax,hayeeshe waxaa safarka la oggolaaday in la afuro,rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri,sida ku xusan labada sheekh saxiixooda soona weriyay Jaabir bin Cabdullaahi Allaha ka raalli noqdee:khayrku kama mid aha in safarka lagu soomo.

*Su’aal: keebaa fadli badan in safarka lagu soomo ama in lagu afuro?

=Jawaab: axaadiis badan oo wada saxiix ah waxay ku soo aroortay in ay fadli badan tahay in qofkii safar ku jiro uu afuro,xataa haddii uu qofku bisha Ramadaan soo cumraysanayo,waa in uu afuraa,waayo wuxuu ku jiraa safar,waana in safar kasta lagu afuro weeyaan,ama dhib ha ku arko safarkiisa ama yuusan ku arkine,hadduu ku soomana wax dhib ah laguma sheegin.

*Su’aal: qofkii soonka uga taga cudaddaar la’aan,hayeeshe uu tukanayo mala gaallaysiinaya?

=Jawaab: qofkii si ulakac ah uga taga soonka,waa la gaallaysiinaya,salaaddiisana lama aqbalayo,laakiinse haddii uu uga tago wahsi daraaddii lama gaallaysiinayo,wuxuuse ahaanaya qof khatar ku sugan,wuxuuna mudan yahay in la ciqaabo,inkastoo qaar ahlu cilmigi ahi ay la tageen in qofka noocaas oo kale ahi la gaallaysiinayo,maxaa yeelay wuxuu ka tagay tiir ka mid ah tiirarka islaamka.

*Su’aalahan iyo jawaabtooda waxaanu ka soo qaadanay guddiga joogtada ah ee dalka Sucuudiya ugu qaaabilsan fatwada,madaxna uu ka ahaa Allaha u naxariiste Bin Baz

*Su’aal: nin ayaa seexday,markuu hurdayna waxaa la sugay oo la caddeeyay in la arkay bisha Ramadaan,kumana seexan ninkaasi niyad soomeed,macnaha ma’uusan niyaysan in uu soomayo,markuu soo toosayna wuu afuray,isagoo aanu ka warqabin in bishii Ramadaan la arkay iyo in kale,maxaa ninkaasi ku waajibta?

=Sheekh Cuthaymeen: ninkaasi wuxuu seexday habeenka ugu horraysa ee Ramadaan,inta aan bisha la xaqiijinin,mana uusan niyaysan,markuu soo toosayna oo uu ogaaday qorraxda kaddib in maanta ay tahay soon,hadduu ogaado waxaa ku waajibta in uu soomo,waxaana ku waajibta in uu gudo,sida ay qabaan jumhuurka ahlu cilmiga,hayeeshe sheekhul islaam Ibnu Taymiya wuxuu isagu qabaa in niyadda ay la socoto ogaanshaha,ninka kanina ma uusan ogayn waa nin cudaddaar haysta,in uu niyaystana kama uusan tegin markuu ogaaday kaddib, balse jaahil buu ka ahaa,jaahilkuna waa qof cudaddaar qaba,sidaas daraadeed hadduu soomo markuu ogaaday kaddib soonkiisu waa saxiix,lagamana doonayo in uu gudo,laakiinse jumhuurka culumada waxay sheegeen:in ay waajib ku tahay in uu soomo waajibna ku tahay in uu gudo,waxayna sabab uga dhigeen in qayb ka mid ah maalintii ay ka tagtay niyad la’aan.

*Su’aal: ma bannaan tahay in qofka soomani uu is carfiyo,macnaha uu cadar is mariyo?

=Ibnu Taymiya: dhib ma lahan in qofka soomani uu cadar isticmaalo,waayo waqtigii rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama wuu jiray cadarka,lagamana sugin in uu diiday,hadduu soonku burin lahaana wuu reebi lahaa rasuulka,inkastoo bukhuurku uu sanka u sii gubinayo maskaxda,laakiinse qaar ka tirsan fuqahadu waxay sheegeen in cadarka ku qasan alcoholka, hadduu qofku sanka saaro oo uu uriyo,soonkiisu waa buraya,wuxuuna noqonaya sida sigaarka oo kale,jirkana wuxuu siinaya dhedhen sida cuntada iyo cabbidda oo kale,waana sidaas weeyaan cadarkuna,laakiinse carafka dabiiciga ah sida ubaxa,dhib ma lahan in uu qofku carfiyo isagoo sooman,inkastoo ay ka fiican tahayba in uu iska daayo carfintiisa,laakiinse hadduusan qasadku ahayn sida adigoo maraya ama fadhiya dukaan carafka lagu gadayo ama beer ubax udgoon leh maraya dhib ma laha.

*Su’aal: qofkii ictikaaf ku jira kuna sugan masjidka,ma diri karaa telefoono,sii uu u dhammeeyo arrimaha muslimiinta?

=Sheekh Cuthaymeen: haa haddii uu telefoonku masjidka yaalo,hayeeshe telefoon daraaddii bannaanka uma bixi karo,waxaaba fiican in ninka noocaas oo kale ahi oo sidaas u muhiimsan, muslimiintuna u adeegayo una gargaarayo in uu ku howlanaado wax u qabadka muslimiinta, kaasaana uga nafci badan ictikaafka.

Intaas ayaan ka soo qaadanay su’aalihii ku saabsanaa soonka

Dhacdooyinka bisha Ramadaan waxaa ka mid ah:

– Bisha Shacbaan sannadkii labaad ee hijrda ayaa soon la waajibiyay,soonka Caashuura’ ayaa markii hore ahaa waajib,hayeeshe markii soonka la waajibiyay baa maalinta Caashuura’ laga dhigay sunne ama wax fiican.

-Suxuftii (waraaqihii) nebi Ibraahim nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxaa la soo dejiyay habeenkii ugu horraysay ee bisha Ramadaan.

-Diintii Tawreed waxaa nebi Muuse nabadgelyo korkiisa ha ahaatee lagu soo dejiyay markii la dhafay lixda bisha Ramadaan.

-Diintii Zabuur waxaa nebi Daawuud nabadgelyo korkiisa ha ahaatee lagu soo dejiyay markii la dhaafay 18ka bisha Ramadaan.

-Diintii Injiil waxaa nebi Ciise nabadgelyo korkiisa ha ahaatee lagu soo dejiyay markii la dhaafay 13ka bisha Ramadaan.

-Qur’aankuna waxaa nebiga sallallaahu caleyhi wasallama lagu soo dejiyay 24ka bisha Ramadaan,waxaana arrintani ku cad xadiis saxiix ah,soo dejinta qur’aankuna ee lagu soo dejinaayay nebiga sallallaahu caleyhi wasallama waxay socotay muddo ku dhow 23 sannadood.

-Sannadkii 8aad ee hijrada Ramadaana ay ku beegnayd 21 waxaa la furtay oo ay muslimiintu gacanta ku dhigeen magaalada Maka,waxaana halkaas lagu baabi’iyay asnaamtii la caabudi jiray,waxayna noqotay markii ugu horraysay oo xaramka laga addimo.

-Sannadkii 10aad ee Ramadaan waxaa geeriyooday abu Dhaalib oo ahaa adeerkii nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.

-Saddexdii bisha Ramadaan,sannadkii 11aad ee hijrada waxaa geeriyootay Faatima oo ahayd gabadhii rasuulkeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.

-17kii Ramadaan,sannadkii labaad ee hijrada waxaa dhacay dagaalkii weynaa ee Badar, ciidankii muslimiinta ee dagaalamayay waxay tiradoodu dhammayd 313 ruux,waxayna siteen hub fudud iyo 70 neef oo geel ah iyo raxan fardo ah,ciidankii gaalladuna waxay dhammaayeen 950 iyo 700 neef oo geel ah iyo boqol faras ah iyo hub badan,labada ciidan waxay isaga horyimaadeen biyahii la oran jiray Badar oo u dhexaysa Maka iyo Madiina.

Muslimiintu markii ay arkeen in laga tiro badan yahay bay Rabbi u carareen oo ay kaalmo weydiisteen,Rabbina wuu u aqbalay ducodooda,Rabbi wuxuu yiri:waxaad kaalmo weydiisateen Rabbigiin wuuna idin aqbalay,wuxuuna idinku deeqay kun malaa’ikta ka tirsan oo wada socda (suuradda Anfaal,aayad lambar 9),waxaana guushii helay muslimiinta.

-Sannadkii 58aad ee hijrada Ramadaana lagu dhex jiro,waxaa geeriyootay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee oo ahayd marwadii rasuulkeena sallallaahu caleyhi wasallama.

-18kii Ramadaan sannadkii 21aad ee hijrada waxaa geeriyooday geesigii muslimiinta Khaalid bin Waliid Allaha ka raalli noqdee.

-Sannadkii 40aad ee hijrada Ramadaana ay ku beegnayd 17 waxaa la dilay Cali bin abi Dhaalib Allaha ka raalli noqdee.

-Nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu geeriyooday kaddib markuu soomay sagaal goor.

-Nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu guursaday iyadoo bisha Ramadaan lagu dhex jiro,Zowda bintu Zamca Allaha ka raalli noqdee,kaddib markii ay geeriyootay Khadiija Allaha ka raalli noqdee oo geeriyootay maalinta 10aad ee ramadaan.

-Bisha Ramadaan waxaa ku dhex jira habeen lagu magacaabo leylatul Qadri,habeenkaasoo ka khayr badan kun bilood (83 sannadood iyo afar bilood).

-Sannadkii saddexaad ee hijrada Ramadaana bartanka loogu dhex jiro,waxaa dhashay Xasan bin Cali Allaha ka raalli noqdee.

Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey………………………..Aamiin

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa inoo berri iyo qaybtii 6aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii