Xukuumada Somaliya oo Cafis u Fidisay Dhalinyarada la Qalday Haddi ay ka soo laabtaan Argagixisada

0
83

Saacid20120908_3Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ‘’Saacid’’ ayaa ku wargeliyey maleeshiyaadka lagu qalday daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed in Bisha Ramadaan darteed ay Xukuumaddu cafadis ugu fidineyso haddii ay kasoo laabtaan dhibaateynta dadkooda.

R/wasaare Saacid ayaa hambalyo ku aadan bilashada bisha Ramadan u diray Muslimiinta caalamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iney ka faa’iideystaan Ajarka, isna cafiyaan Alle ka cabsigana badiyaan.

Sidoo kale R/wasaare Saacid ayaa ka codsaday dadka wax heysta iney kaalmeeyaan walaalohooda Soomaaliyeed ee danyarta ah kana farxiyaan, wuxuuuna Alle ka baryay in fadliga bisha Ramadan uu ummadda Soomaaliyeed siiyo nabadgelyo iyo barwaaqo.

R/wasaaraha ayaa ugu baaqay dhalinyarada la marin habaabiyay ee xaq darada ku daadinaysa dhiiga ummadda Soomaaliyeed, iney ka tanaasulaan falalkaasi, wuxuuna sheegay in dowladu soo dhaweyneyso ciddi ka soo laabata fikirkaasi qaldan ee lagu banneeysanayo dhiiga ummadda Soomaaliyeed iyo hantidoodaba.

 

Source: Radio Muqdisho

LEAVE A REPLY