Faroole: Xiriirka ingga iyo dowladda Soomaaliyeed waxa uu qarka u saaranyahay in uu bur buro

0
627

Faroole20130616_1Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Jeneraal Cade Muuse in uu qalalaanso ka wado deegaanada Puntland isagoo dhinaca kale sheegay in uu qarka uu saaranyahay in uu go’o xiriirka Maamulka Puntland iyo dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’ud Faroole Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay Munaasabad lagu Maamusayay 15 sano Guuradii ka soo wareegatay

Aasaaska Maamulka Puntland oo xalay ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa ku dheeraaday khilaafaad ka dhex jira dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Faroole ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay si xun ugu dhaqantay Dastuurka Federaalka ayna ka baxday heshiis ay gaareen Dowladda dhexe iyo Puntland sida uu hadalka u dhigay.

“ Waxaan u dhownhay oo qarka aan u saaranahay in uu meesha ka baxo xiriirka nagala dhexeeyo DF” ayuu cod buuxa ku yiri Madaxweyne Faroole isagoo u cuskanaya in dowladda ay baalmartay dastuurka dalka.

Sikastaba waxaa indhawaanahaanba soo ifbaxayay Khilaafaad u dhexeeya dowladda iyo Maamulka Puntland u dhexeeya kaasi oo salka ku haaya arrimo la xiriira dastuurka.

Source: Shabelle