Midowga Yurub oo soo dhaweeyay Hishiiskii Addis Ababa lagu gaaray

0
585

EUHeadQuartersBrussels (Madaxa Arimaha dibada iyo Siyaasada ee Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Midowga Yurub ay si diiran u soo dhawaynayaan Hishiiska Addis Ababa.

Warsaxaafadeedka ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

Anigoo ku hadlaya magaca Midowga Yurub waxaan si hufan u soo dhawaynaynaa Hishiiska ay Addis Ababa ku kala Saxiixdeen Xukuumada Soomaaliya iyo Maamulka Juba land.

Maamulku ma aha mid muhiim u ah Soomaaliya kaliya lakiin waxa uu muhiim u yahay in la helo Maamul sax ah Xasiloonida Geeska Africa oo dhan, waxan filayaa in arintani ay wadada u xaari doontaa dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka islamarkaana Maamulkan Cusub ee Juba la waafajiyo Nidaam Dimuqraadiga ah .

Waxana sidoo kale u mahadcelinaynaa Dhamaan Qaybihii kala duwanaa ee gacanta ka gaystay in Hishiiskasi lagaaro Waxana mahad gaara u dirayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmud, waxaana sidoo kale u hanbalyaynayaa Axmad Madobe Magacaabista loo Magacaabay Hogaamiyaha Kumeel gaarka ah ee Maamulka Cusub ee Juba.

Catherine ashton ayaa ugu danbayn Mahad u dirtay dadaaladii ay ka gaysteen Hishiiska Gudoomiyaha Urur Goabaleedka IGAD Hailemariam iyo sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr. Tedros iyo Waliba Masuuliyiinta dalka Kenya.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in Shirka Brussels uu fursad u yahay Shacabka Soomaaliyeed, ayna Bog cusub u furayso Taariikhda iyo Dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

Source: Shabelle