Tahriibayaal Soomaali ah oo laga badbaadiyay Xeebaha Talyaaniga

0
203

tahriibayaalSomaaliIlaa 116 Ruux oo sida la sheegay u badan Tahriibayaal Soomaali ah ayaa Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga waxaa ay ka badbaadiyeen Xeebta Siisali.

Wakaalada Wararka ee AFP ayaa waxaa ay shacisay sabtidii ilaa iyo in kabadan 200 oo tahriibayaal ah in laga badbaadiyay Xeebaha kala duwan ee dhaca Badda Talyaaniga iyadoona la sheegay inay badbaadiyeem Dadkaasi Tahriibayaasha ah Ciidamada Badbada ee iyagu qaabilsan ilaada Xaabaha Talyaaniga.

Tahriibayaashan la badbaadiyay ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin sida ay Wakaaladu sheegtay Kumanaanka Qof ee soo galootiga ah isla markaana ay badbaadiyeen Ciidamada sida gaarka ugu tababaran Badbaadinta Tahriibayaal farabadan oo ku soo qul qula Dalka Talyaaniga waxaana la sheegay in Tahriibayaashaasi dhamaantoodba la geeyay Xarumo Caafimaad oo sida la sheegay lagu baxnaaniyo maadaama ay soo mareen dhibaatooyin kala duwan intii ay ku soo jireen Tahriibka isla markaana ay ugu weyn tahay dhibaatooyinkaasi Haraad iyo Dhafaqo darro.

Tahriibayaashan ayaa intabadan waxaa ay biimeeyaan Noloshaada sida ay Wakaaladu xustay iyagoo Nolol wanaagsan raadinaya mana ahan markii ugu horeesay Tahriibayaal Soomaali ah oo ay badbaadiyaan Ciidamada Ilaalada ee Badda Talyaaniga.

Shabelle

LEAVE A REPLY