0
161

TargetingAssasinationKooxo Hubeysan oo xalay rasaas ku furay goob dhalinyaro ku caweynayeen oo ku taal Dayniile
Kooxo Hubeysan ayaa xalay fiidkii rasaas ku furay goob dhalinyaro ku qaxweynayeen oo ku taal degmada Dayniile, iyadoo hal ruux uu ku dhintay, labo kalena ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegayaan wararka kooxihii hubeysnaa ayaa goobta ka baxsaday, waxaana soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo halkaas howl galo ka sameeyay.

Wararka ayaa sheegaya in ruuxa dhintay uu ka mid ahaa dhalinyarada ugu fir fircoon degmada ee dhinaca Isboortiga.

Lama oga sababta ka dambeysa ee kooxahan hubeysan ay rasaasta ugu fureen goobta dhalinyarada ku qaxweynayeen, hase yeeshee mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacayay dilal kala duwan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxa maamulka degmada Dayniile oo ku aadan weerarkan dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay ee xalay ka dhacay maqaaxi ku dhow Warshada Taraqa iyo Sigaarka.

 

Source: Jowhar

LEAVE A REPLY