Madaxweynaha Puntland oo gaaray Brussels

0
33

Faroole20130616_1Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium iyagoo ka qeyb-gali doona shirka berri halkaas ka furmaya ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa wafdiga madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Brussels, sida ay Puntland ku sheegtay war qoraal ah.

Xubnaha madaxweyne Faroole ku wehliya safarkiisa waxaa ka mid ah wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame, Dr. Cabdirsaaq Cismaan Jurille iyo Dr. Maxamed Xasan Barre.

Midowga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si wada-jir ah u marti-gelin doona shirka, waxaana lagu soo qaadi doonaa sidii loo xajin laha guulaha ay sameysay dowladda iyo taageerada dib u dhiska dalka kaddib 20 sano oo dalku uu ku jiray dagaal sokeeye.

Bar-kulan

LEAVE A REPLY