AMISOM oo sheegtay in Mag dhow ay ka bixiyeen tacadiyada Ciidamadooda ay ka geysteen dalka

0
590

AmisomSalahAnnadifTaliska AMISOM ayaa sheegay in magdhow ay ka bixiyeen dilal ay sheegeen in Gobollada Jubbooyinka ay ugu geysteen Ciidamadooda dad rayid ah.

Max’ed Saalax Annadif Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Afhayeenka Ciidanka AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud iyo Saraakiil kaloo ka tirsan AMISOM oo gaaray waddanka Mareykanka halkaasi kulamo kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa kala hadlay arrimo dhowr ah.

Ambassador Annadif ayaa ka hadlay qorshaha Guud ee AMISOM kaga aadan Xasilinta dalka iyo bad baadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka ayaa ku eedeeyay AMISOM in gawaaridood Magaalada Muqdisho marar badan ay ku jireen dad rayid ah, sidoo kale Kismaayo ay Ciidamadooda dad rayid ah ku duqeeyeen.

Annadif oo ka jawaabayay eedeymahaasi ayaa sheegay in Magdhow ay horay uga bixiyeen dhibaatooyinka Ciidamadooda ay geysteen , islamarkaana inta badan dhacdooyinkaasi ay ahaayeen kuwa aan ula kac aheyn ee si kama’a ku yimid.

Ugu dambeyn Saraakiisha AMISOM ee ka qeyb galeysay kulankaasi ayaa waxa ay ka dalbadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka in ay gacan ku siiyaan sidii dalka looga sifeyn lahaa Ururka Al Shabaab.

Shabelle