Nalalka kala haga gaadiidka ee samaafaraha oo 22 sano kadib lagu arkay Muqdisho

0
824

SamaafaroMuqdisho20131004Magaalada Muqdosho ayaa waxaa ka socnaya horumaro kala duwan, sida dib u dhiska waddooyinka muhiimka ah, nalalka lagu xiray wadooyinka, iyo nalalka kala haga gaadiidka ee loo yaqaano Samaafaraha .

Nalalka kala haga gaadiidka ee loo yaqaano Samaafaraha oo iyaguna ku shaqeeya ileyska Cadceeda ee Solarka ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah isgoysyada wadooyinka magaalada Muqdisho.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay mashruuca dib loogu dhisayo wadooyinka laguna xirayo nalalka kala haga gaadiidka ee Samaafaraha, iyadoo horeyna loogu xiray nalalka ifiya wadooyinka ee iyaguna ku shaqeeya Solarka.

Arintani waxa ay qeyb yar ka tahay horumarada xowliga ku socda ee ka jira magaalada Muqdisho oo ka soo kabaneysa burburkii iyo baabi’ii ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka socday mudo ka badan Labaatan sano.

Radio Muqdisho