Puntland oo ka soo horjeedsatay heshiiskii dowladda DFS iyo shirkadda Soma oil

0
558

MadaxtooyadaPuntland20130417Maamulka Puntland ayaa maanta kasoo horjeesatay go’aannadii kasoo baxay shirkii arrimaha shidaalka ee dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha baara shidaalka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada London ee dalka Inigriiska.

Heshiiska ayaa dhigaya in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee heshiis la gali karta shirkadaha doonaya inay shidaal ka baaraan Soomaaliya.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dowladda federaalka halkii ay hirgelin laheyd dastuurka ay ku mashquushay arrimo kale oo dib u dhac u keenaya maamullada ka jira dalka.

Wuxuu tilmaamay in dastuurka uu dhigayo in heshiisyada caalamiga ah ee ay galeyso dowladda federaalka ah in laga qeyb geliyo mamullada kajira dalka, balse taasi aysan dhicin, isagoo xusay inaysan aqbali karin in dowladda ay gaarto go’aan ku aaddan in aysan waxba kajirin heshiisyadii ay horay Puntland u gashay.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ah ay qaadi doonto mas’uuliyadda dhibaatada ka timaadda ku xadgudbidda sharciyada u yaalla dalka.

Wuxuu carrabaabay in Puntland aysan ka jiifan doonin xaqa uu siinayo dastuurka federaalku.

Bar-kulan