Tacsi Diplomasi Abdulkadir Aden Ali “Dhuub” oo ku geeriyoodey qaraxii xaley ee Makkah Almukarrah

0
964

MarxuumAbukarDhuub20131108Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda, Xoghayaha joogtada, agaasimayaasha guud,agaasimayaasha waaxyaha, Safiirada, Qunsulada iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan eheladda, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Abdulkadir Aden Ali “Dhuub” oo 08 November 2013 ku geeriyooday qarax ay abaabuleen kooxda nabad-diidka ah oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Makka Almukarama ee Caasimadda Muqdisho.

Marxuum Abdulkadir Aden Ali “Dhuub” waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii sanadkii 2009, isagoo loo magacaabay Xiriiriye diblomaasiyadeed (Liaison Officer- LNO-), waxaana uu u xilsaarnaa xiriirinta dowladda Soomaaliya iyo UK, kahor inta aaney labada dowladood saxiixan Xiriir laba geesood ah.

Marxuum Dhuub Ali oo da’diisu aheyd 51 sano-jir, ayaa waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur .

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN