0
607

burcoSomalilandMaamulka Somaliland ayaa ka hadlay shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Duqa magaalada Burco, Maxamed Yuusuf Muraad iyo guddoomiyaha gobolka Togdheer, Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xamarji oo ka tirsanaa mas’uuliyiin xalay wada-jir ula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay dhammaatay xasaraddii dhacday, ayna deggan tahay xaaladda magaalada.

Wasiirka xannaanada xoolaha ee Somaliland Dr Cabdi Aw-daahir Cali ayaa isaguna ka codsaday dadweynaha Burco in ay ilaaliyaan nabad-gelyada iyo xasilloonida. Mas’uuliyiinta wada qabtay shirka ayaa wada-jir uga tacsiyeeyey khasaarihii ka dhashay rabshaddii shalay ka dhacday Burco, iyadoona ay xalay bandow ahayd magaaladu.

Dibad-bax looga cabanayay xil wareejin lagu sameeyey taliyihii qeybta booliska gobolka Togdheer  oo shalay ka dhacay Burco ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo rayid ah, waxaana kudhaawacmay laba kale.

Bar-kulan