AL-Shabaab oo ku hanjabay Weeraro ka dhan ah Ethiopia iyo AMISOM

0
34

Afhayeenka Xarakada Shabaab ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in Amiirka guud ee Dhaq dhaqaqa Shabaab Sheekh Mukhtar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr iyo dhamaan Abaandulayaasha Xarakada Shabaab ay yesheen kulan todobaadkan kadib markii la shaaciyay in Ciidaamda Ethiopia ay si rasmi ah ugu biraan Ciidamada Nabad ilaalinta ah e AMISOM ayna u digayaan Ciidaamada Ajaaniibta ah kadib markii cadowga Soomaliya ay ku soo biraan AMISOM ayuu yiri Sheekh Cali Maxmuud raage Sh Cali dheere Afhayeenka dhaq dhaqaaqa Shabaab oo Wakalada Wararka AFP la hadlayay.

Rage aya sheegay in ay sii xoojin donaan dagaalada ka dhanka ah Ciidamada AMISOM, “horay ayaan uga guulaysanay Ethiopia waana naqaanaa hada sida loola dagaalamo ayuu Hadalkiisa sii raaciyay Cali dheere.”

Ku biiritaanka ay Ethiopia ku soo bireen Soomaaliya waxa ay muujinaysa cadaadiska iyo daciifnimada haysata ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom iya awood la’aantooda haysata oo ay ku xakamayn la yihiin dhaq dhaqaqa Dagaalyahanada Xarakada Shabaab sidaasi waxa yiri afhayeenka Shabaab sh Cali dhere.

Ciidamada Ethiopia aaya soomaliya soo galay sanadii 2006 xilgaasi oo ay Soomaliya ku soo galeen dulankii ay dabada ka riixaysay Maraykanka ee ka dhanka ahaa Midowgii Maxaakiimta Shareecada Islaamka, waxa ayna Soomaaliya dib isaga huleleen sadex sano kadib iskacaabino xoogan oo ay kala kulamayeen kooxa Islamiyiin ah oo ka soo horjeeday, waxayna markale dalka dib ugu soo labteen sanadii 2011 si ay ula dagalamaan Xarakada Shabaaab oo ka talinaysay inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaliya, iyagoo tageer Milatari siinayay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaliya .

Maalintii Arbacada aanu ka soo gudubnay aya ciidamda Ethiopia si rasmi ah ugu bireen Howlgalka AMISOM, iyadoo qaar ka tirsan Siyaasiinta Caalamka iyo qaar ka tirsan kuwa Soomalidaba ay rajo xumo ka mujiyen oo ugu danbeyay Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhin jiray dalka Ethiopia David Shinn oo sheegay in ku biritaanka Ethiopia ee AMISOM in uusan waxbo soo kor dhin doonin.

Xigasho : AFP

LEAVE A REPLY