Amaanka C/weli Gaas oo si weyn loo adkeeyay ka dib markii la dilay mid ka mid ah ilaaladiisa iyo ciidamo gaar ah oo…

0
529

Cabdiweli20140108Madaxweynaha cusub ee Puntland Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa amaankiisa waxaa la wareegay ciidanka amaanka Puntland iyadoo guriga uu Madaxweynuhu ka deganyahay Garowe iyo aaga u dhow ay ciidamo isku gadaameen, waxaana dariiqyada soo gala la dhigay baro ay ciidamo gaari ah ku suganyihiin, waxayna arrintaasi timid ka dib markii banaanbaxyo rabashado watay uuna ku dhintay mid ka mid ah ilaalada C/weli Gaas uu ku dhintay banaanbaxyada.

Madaxweynaha la doortey Prof. Gaas ayaa inta uu xilka la wareegayo wuxuu sii deganaanayaa gurigaas.halka Madaxweynaha laga adkaadey Dr. Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed Faroole uu sii deganaanayo Madaxtooyada inta xilwareejintu ka dhaceyso, sida warku sheegayo kadib markii shalay la dhaariyey madaweynaha cusub ee puntland ayaa waxaa ammaankiisa la wareegay ciidamo gaar ah oo hoostagaya ciidamadii sugayey ammaanka goobta doorashadu ka dhacaysay kuwaas oo wata dareys gaar ah ,waxayna ciidamadani isku gadaameen dhismaha la dajiyey Madaxweynaha.

Shalay markii natiijada doorashada kama dambeysta ah lagu dhawaaqay ayaa waxaa magaalada ka dhacay shaqaaqo aan la ogeyn cidda wada taas oo keentay inay iska horyimaadaan ciidamada Ammaanka iyo koox la sheegay inay banaabax rabshada wata halkaasi ka sameeyeen ayna ciidamadu raas ku rideen, waxaana sida la sheegay halkaasi ku dhintay hal ruux ruux kalena waa uu ku dhaawacmay ilaa iyo haddana lama oga wax ay ahaayeen kooxahaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in kooxdaasi ay aheyd koox dhalinyaro ah oo taageersanaa madaxweynihii hore kana xumaaday in laga guuleysto mase jirto cid xaqiijineysa arrintaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxweynihii hore uu isla goobtii doorashadu ka dhacday uga dhawaaqay inuu aqabalay natiijadii doorashada uuna u hambalyeynayo Madaxweynaha cusub.

Warkii