Madaxda Galmdug Iyo Ximan iyo Xeeb Oo Kulan Uga Furmay Magaalada Galkacyo

0
642

Kulankan oo qeyb ka ah kulamo mudooyinkii u danbeeyaba ka dhacayay Muqdisho,Nairobi iyo meelo kale oo ka mid ah Daafaha caalamka loogana arinsanayay aayaha bulshada ku Nool gobolada dhaxe ee dalka iyo sideey u yeelan lahaayeen Maamul ay ku mideysanyihiin ayaa waxaa maanta Hotelka Five Star ee magaalada galkacyo uu uga bilowday madax ka Kala socotay Maamul Gobaleedyada Galmdug iyo Ximan iyo xeeb kuwaasi oo ay kala hogaaminayeen madaxweynaha maamulka ximan iyo xeeb Mudane C/laahiCali Maxamed Baarleex iyo madaxweyne ku xigeenka Galmdug C/samad Nuur Guuleed.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka labada maamul oo intiisa badani ay warbaahintu dibad joog ka aheyd ayaa looga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sida ay warbaahinta u sharaxeen madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane C/laahi Cali Maxamed Baarleex iyo madaxweyne ku xigeenka
Galmdug C/samad Nuur Guuleed.
Kulanka ayaa waxaa loo hadlay siyaasada,xoojinta ammaanka xal u helida colaad beeleedyada mararka qaar ku dhax mara deegaanada miyigaa dadka xoola dhaqatada ee kasoo jeeda beelaha ku dhaqan deegaanada ay ka kala arimiyaan labada maamul iyo sidii loo heli lahaa maamul qura oo ay ku mideeysanyihiin maamulada xiligaan ka jira qeybo ka mida gobolada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha soomaaliya.

Madaxweynaha Ximin iyo xeeb Mudane C/laahi Cali Maxamed Baarleex iyo madaxweyne ku xigeenka Galmdug C/samad Nuur Guuleed oo iyagu si wadajir ah ula hadlay warbaahinta kadib markii uu soo gabagaboobay qeybtii hore ee kulanka ayaa sheegay in kulanku uu sii socon doono muddo labo cishaa ayna rajeynayaan in qodobo muhiim ay ka soo bixi doonaan kuwaasi oo ay tilmaameen marka laysku afgarto ay labada dhinac si wadajir ah u wada saxiixi doonaan.

Waa markii u horeysay oo kulan ceynkaan oo kala ah uu magaalada Gaalkacyo ee xarunta Maamulka Galmdug ay ku yeeshaan madaxda maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

Radio Muqdisho

ShirXimanXeebIyoGalmudug20140128_2 ShirXimanXeebIyoGalmudug20140128_1