Barakac ka bilowdey deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

0
1027

shalamboodWararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose waxaa ay soo sheegaya in deegaanno ka tirsan gobolka ay ka bilowden barkac ay sameenayey dadka shacabka ah,sida waxaa sheegay mid ka mid ah dadka ku nool Shalaanbood.

Barakaca ka bilowdey deegaannada waxaa lugu sheegay inay dadku ka cabsi qabaan colaado ka soo xusboonatey gobolka.

Dagaallada gobolka Shabeellaha hoose ka dhacay waxaa ay u dhaxeeyan maleeshiyo beeleed dhowr jeer horey ugu dagaalantay gobolkaasi. dagaalladan ayaa la sheegay in culayskooda uu ka dhacay inta u dhaxaysa Marka iyo Shalanbood, ugu yarana 4 qof ayaa ku dhintay.

Dadka barakacaya waxaa la sheegay inay u badan-yihiin beera ley,waxaana ay sheegen inay ka cararayan dagaallo dushooda ka dhaca.

Dagaallada xilligaan ka soo cusboonadey gobollada Shabeellaha waxaa uu dhexmaraya ciidamada kala taabacsan guddoomiyaasha Marka iyo Shalaanbood.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa isna dhankiisa sheegay inay ku dadaallayan sidii markale loo qaboojin laha xisada ka taagan gobolka Shabeellaha hoose oo sababtey inay dadku barakacaan.

 

Warkii.com