Muqdishow iyo Ibnu Battuuta

0
214

XasanXeyle20121202Tarjume: Xassan Xayle

Socdkii Ibnu Batuuta 1325-1354

Qaybta Kowaad

Soo gaaritaanka Muqdishow

Ibnu Battuuta [-1] oo ahaa Dal-mareen ku caanbaxay socdaal dheer ee uu ku maray, meelo badan oo ka mid ah Caalamkii Hore ama dunidii la yaqiinay waayihii Casriga Dhexe, (Periodi Medievali), isagoo in ka dhaw sodon sano ku bixiyay socdaalkaas, kuna tagay magaalooyin taariikhi ah ee Dunidii watigaas

Socdaalka Ibnu Battuuta oo ahaa Qarnigii 7aad ee Hijriyada, kuna beegan kii 13aad ee Milaadiga, ayuu Ibnu Battuuta ku qoray Kitaabkiisa Socdaalka Ibnu Batuuta ee loo yaqaano: Tuxfatul Al-anthaar fii Garaa’ib Al-amsaar wa Cajaa’ib Al-asfaar

Kitaabka (Socdaalka Ibnu Battuuta) oo lagu tarjuma luqado badan, ayaa nusqadda, (Script) aan guud ahaan kasoo qaaday (Documnet)-ga qoraalkan, waxaa soo saaray, hor-dhacna u sameeyay Cabdulhaadi Al-taazi oo xubin ka ah Akadeemiyada Boqortooyada Marooko; kitaabka oo la daabacay sanadkii 1417-H, 1997; waxaa kale oo aan dhinaca tarjumada, gaar ahaan eryayda, ka faa’iideystay nusqad ka mid ah qaybaha Afka Talyaaniga loo badala, si gaar ah kan, Ross E. Dunn, Gli Straordinari Viaggi di Ibn Battuta.

Waxaan tarjumay inta ku saabsan socdaalkiisa Muqdishow, anigoo hab ahaan raacay, inta badan, tarjumada dhinaca macnaha; kuna dadaalay in erayada muhiimka u ah aan sidooda u dhaafo, xariiqna hoosta ka mariyo si aan, dhamaadka qoraalka, macnahooda u sheego

Waxaan u sameeyayama dhawr cinwaan, (Subtitles, sottotitoli) oo aan kasoo saaray qoraalka, hayeeshee kan ku saabsan maqaamka ama sharafta Suldaanka Muqdishu uu horey u jiray

Ibnu Batuuta oo ka hor, inta uusan gaarin Moqdishow soo maray wadamo badan ayaa dhulka, waqti danbe, loo bixiyay Soomaaliya kasoo dagay magaalada taariikhiga ah ee Saylac, ka dibna u shiraacday dhinca Muqdishow.

Ibnu Batuuta oo buuggiisa, guud ahaan, u qoray qaab ah ka waramid sheeko tilmaam ah, (Descriptive narration) waxuu hadalkiisa ku bilaabay:

Waxaan u baxnay, (Markabkii uu ku yimid Saylac iyo dadkii saarnaa), safar dhinaca badda, oo muddu shan iyo toban habeen ah ka dib aan soo gaarnay Maqdasho [-2] (Sidaas ayaa magaca magaalada loogu dhawaaqi jiray).

Waa magaalo aad u balaaran oo dadkeedu leeyihiin ama dhaqdaan geel badan. Waxay maalin walba gawracaan boqol neef oo geel ah. Waxaa kale oo ay leeyihiin ari aad u badan; waa dad ganacsato ah oo, jir ahaan, xoog badan. Waxaa Maqdasho lagu sameeyaa dhar, farsamo ahaan, magaceeda lala xiriiriyo oo ay magaaladu caan ku tahay; dharkaas, oo wax la mid ah uusan jirin, ayaa loo suuq geeyaa Masar iyo wadamo kale

Waxaa caadada dadka degan magaalada Maqdasho ka mid ah, in haddii uu markab kusoo xirto marsada ay doomo yaryar usoo diraan halka markabku joogo. Waxaa doomaha saaran dhalinyaro mid waliba uu gacmaha ku sido saxan, ama xeero daboolan oo ay cunto ku jirto; wiil kasta oo dhalinyarada ka tirsan waxuu cuntada siinayaa nin ka mid ah ragga markabka la socda, oo ah ganacsato u timid Maqdasho hawlo beecmushtar, islamarkaana waxuu ogeysiinayaa in ninka uu siiyay cuntada reerkooda marti u yahay.

Waxaa jira rag ganacsato ah oo markabka la socda, magaaladana dhawr jeer oo hore yimid; raggaas kuma raagaan markabka dushiisa; waxay ku degaan halkii ay doonaan madaama magaalada ay ku leeyihiin dad macaamil ganacsi iyo aqoon kala dhexeyso

Marka leys dhaafsanayo badeecada ama iibku uu dhacyo, waa in ganacsatada labada dhinac ay joogaan goobta. Sidoo kale, ganacsatada reer Maqdasho ma aqbalaan in badeecadood qiimo raqiis ah lagu qaato!

Dhalinyarada markii ay soo fuuleyn dusha markabka, ayaa nin ila socday oo musaafirka ka mid ah u sheegay inaan, anigu, aheyn ganacsade, hayeeshee ah nin faqiih [-3] ah ama caalim. Dhalinyarada kii ugu soo horeeyay ayaa ku dhawaaqay: “Ninkaan waxuu marti u yahay Qaadiga magaalada.” Markaas ayaa nin qaadiga la xiriira arrinteyda si gaar ah loogu sheegay; kaasoo ka dib ii kexeeyay dhinaca xeebta isagoo ay dhinaca ka socodaan koox arday ah.

Ka dib markii aan soo degay, oo aan salaantana kala qaadnay Qaadiga iyo daka la jooga ayuu Qaadigu igu yiri, “Bismilaahi, waxaan soo salaamaynaa Sheykha” -Waxaan ku yiri: “Sheykhu yuu yahay?”  -Waxuu iigu jawaabay, “Waa Suldaanka”

Xaakimka ama suldaanka, ayaa, sida wadamo badan oo kale, ay reer Maqdasho iyaguna ugu yeeraan naynaasta ah ‘Sheykh’

Qaadiga waxaan weydiistay, ka hor inta aanan booqan Suldaanka in marka hore aan dego. Waxuu iigu jawaabay: “Waxaa dhaqan ah, in haddii uu yimaado nin faqiih ah ama shariif ah iyo qof saalax ah, (Diin wanaagsan), inuusan magaalada ku degin ilaa uu la kulmo Suldaanka” -Sidaas ayaan Qaadiga iyo raggii la joogay ugu raacay guriga Suldaanka

Suldaanka oo magaciisu yahay Abukar Sheykh Cumar, (Abu-bakar ibnu Sheykh Cumar), assal ahaana, kasoo jeeda Barbar, (Waaa magac loo aqoon jiray Soomaalida), ayaa afka Maqdashiga, (Afka Soomaaliga) ka sokow, waxuu yaqaan amd ku hadla Afka Carbiga. Waxaa caado u ah ama uu yeelaa haddii uu markab soo xirto, inuu markabka usoo diro qof soo ogaata ama hubida dalka markabku ka yimid, cidda iska leh, naaquudaha, (Kabtanka) wada, inta uu markabku la egyahay ama qaadkiisu yahay, badeecadda saaran iyo gancsatada la socota; markaas ka dib, ayuu Suldaanku go’aamiyaa ogolaashaha marti-galinta ama diidmo ah in masaafiriintu kasoo degin markabka!

Aniga iyo Qaadig, oo magaca loogu yeero yahay Ibnu Al-Burhaan, assal ahaana u dhashay Massar, ayaa markii aan gaarnay guriga Suldaanka waxaa noo soo baxay, oo na qaabilay wiilal dhalinyaro ah oo salaamay Qaadiga; islamarkiibana Qaadigu faray dhalinyarada inay, Amiinka [-4], ku war galiyaan in ninkan ila socda (Ibnu Batuuta) ka yimid dhanka Xijjaas. 

Waqti yar ka dib, ayuu nagu soo noqday wiil ka mid ah dhalinyaradii fariinta qaaday. Waxaa loo soo dhiibay saxan ay ka buuxdo caleynta la cuno ee, Awraaqu tanbuul [-5]) iyo filfil. Waxuu isiiyay toban caaleemood, waxaa kale uu isiiyay xoogaa filfil ah. Qaadiga iyo ardayda xerta ah, iyagana, waxuu siiyay intii saxanka ku hartay. Waxaa kale aw inoo keenay weel uu ku jiro sharbeed ama cabitaanka loo yaqaano Biyo-wardiga, (Maa-ul wardi Al-Dimishiqi), biyahaas ayuu wiilkia aniga iyo Qaadiga noo shubay.

Markii aan wax cunay ayaa Qaadiga loo sheegay in Suldaanku soo amray in ninka soctada ah la dajiyo guriga (Daarul dalabah); oo ah guri aad ugu dhaw daarta Suldaanku deganyahay, waxaana loo diyaariyay ama loogu talo galay ardayda magaalada aan howga ku laheyn. Runtii, waa guri si wanaagsan loo firaashay oo wax kasta oo martidu u baahato laga helo!


[-1] Ibnu batuuta waxuu u dhashay dalka Marooko ama Al Magrib, waxuu kasoo jeedaa dadka Barberka ah. Magaciisa oo buuxa waa: Abuu Cabdallah Muxamed ibnu Cabdallah Al-luwaa’i Adanjji. Waxaa laysku raacsanyahay inuu ahaa dal-mareenka ugu weyn taariikhda

[-2] Maqdasho, ama Maq-da-sho: magaca magaalada Muqdishow sidaas ayaa loogu dhawaaqi jiray.

[-3] Faqiih: waa qof faham iyo ogaal qoto dheer u leh Qur’aanka Kariimka iyo Sunada Nabiga (CSW).

[-4] Amiinka: waxuu noqon karaa xog-hayahay ama ilaaliyaha Sheykha

[-5] Awraaqu tanbuul: waa caleen loo cuno inay hamuunta ama hungiriga qofka furto. Cunta guud ka hor ayaa la cunaa. Caleentaas, (Betel leaves), waxaa laga cunaa wadamada Aasiya iyo meelo kale


La soco qaybta labaad ee Ibnu Batuuta & Muqdishow

Maamuus & marti-galin

 

Tarjume: Xassan Xayle [hassanhaile@hotmail.com]

LEAVE A REPLY