Dowladda Federallka oo ka hadashay sababaha loogu aamini la’yahay dhaqaalaha loogu yabooho

0
465

Beileh20140713_1Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyleh ayaa ka hadlay sababaha dowladda loogu aamini waayay dhaqaalaha Beesha caalamku ugu deeqaan Soomaaliya.

Dr Beyleh ayaa tilmaamay in xaaladda amni ee dalka oo aan sugneen ay qeyb weyn ka tahay aaminaad darrada ku foorarta dowladda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tibaaxay in aqoon darri ku aadan qaabka maareynta dhaqaalaha ay heysato dowladda Soomaaliya isagoo dhinaca kalana tibaaxay in aanu dowladdu heysan qalab ku filan hab Maamulka dhaqaalaheeda.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa dhanka kale sheegay in ay jirto sidoo kale jirto aaminaad darro Soomaalida dhexdeeda ah , isagoo tusaalo u soo qaatay in Askariga Soomaaliga ah aan lagu aamin Karin ammaanka Madaxweynaha ee ay sugaan Ciidamo kuwa Nabad ilaalinta AMISOM ah.

Si kastaba waxaa muddooyinkii la soo dhaafay soo ambabaxayay warar sheegayay in siyaabo aan habooneen loo maareeyay dhaqaalo dalku lahaa iyo kuwa dowladdu ku heeshay qaab deeq ah si ay wax uga qabato xaaladaha guud ee dalka.

Shabelle