Faah-Faahin dheeraad ah oo kasoo baxaayo Dhaawac Culus oo loo geystay Taliyaha nabad sugidda

0
43

Kismayo20130608Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in gudaha Kismaayo lagu dhaawacay taliyaha nabad sugida maamulka KMG Jubba Gaboobe Xasan Barre.

Taliyaha ayaa dhaawacmay kadib markii ay is rasaaseeyeen ciidamada mileteriga iyo nabad sugidda maamulka KMG Jubba.

Saraakiisha maamulka KMG Jubba ayaa ka gaabsday in ay ka hadlaan dhaawaca soo gaaray taliyaha.

Taliyaha qeybta booliska maamulka Korneyl Maxamuud Qaalib Cali oo aan la xiriirnay ayaa diiday inuu wax hadal ah ka bixiyo arrinkan.

Gaboobe Xasan Barre ayaa lagu bedelay Ciise Kaamooni oo hore loogu dilay gudaha magaalada Kismaayo.

Warkii

LEAVE A REPLY