Howlgallo Lagu Sifeeynayo Haraadiga Alshabaab Oo Saaka Ka Socda Gobollada Hiiraan Iyo Galgaduud

0
1044

ciidamadaDowladaCiidamada XDS oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa ineey saaka howlgallo saf ballaaran ah oo ka dhan ah Shabaab ka bilaabeen deegaano ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Howlgalkan oo ay horkacayaan saraakiisha ciidamada XDS ayaa la isugu furaya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, gaar ahaan magaalooyinka Buulo barde iyo Jowhar, iyadoo ciidamadu ay ka soo dhaqaaqeen Buulo barde, kuna wajahanyihiin dhinaca degmada Jowhar iyo Buurane.

Sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo kale saaka ka wada deegaanno hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo laga sifeynayo haraadiga maleeshiyaadka Alshabaab.

Howlgalkan ka soconaya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ka dambeeyay kadib markii dhawaan taliska ciidanka XDS uu ka dhawaajiyay inu billaaban doono howlgalkii ugu dambeeyay ee Shabaab looga xoreeynayo deegaannada ay dalka uga dhuumaaleeysanayaan.

 

Radio Muqdisho