Wafdi ka socda Dowladda Federaalka iyo IGAD oo magalada Kismaayo kula shiraya mamulka Jubba

0
347

Magalada Kismaayo xarunta mamulka Jubba waxaa shalay galinkii danbe gaaray wafdi sare oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka DF CabdilaahI Goodax Barre iyadoona ay qayb ka yihiin xubno ka socda Urur gobaleedka IGAD iyo saraakiil kale.

Wafdigan waxaa garoonka diyaaradah Kismaayo kusoo dhaweeyay wasiirro ka tirsan mamulka Axmed Madoobe iyo mamulka degmada waxana loo gudbiyay xarunta madaxtooyadda oo ay ugu danbayntii shir kula qaateen madaxwaynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan ”Axmed Madoobe”

Shirkan ayay saxaafaddu dibada ka joogtay haseyeeshee waxaa markii danbe saxafada la hadlay afhayeenka mamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax oo sheegay wafdigan inay Kismaayo u yimaadeen sidii looga arrinsan lahaa heshiiskii DF iyo mamulka Jubba sanadkii hore ku dhexmaray magaladda Addis ababa iyo waxyaabihii ka dhaqan galay iyo waliba sidii loosii xoojin lahaa xiriirka DF iyo dowladd dhexe ee uu hoggaamiyaha ka yahay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Heshiiskii Addis ababa ayaa dhigayay lix bilood ka dib in mamuka dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo lagu soo wareejiyo mamulkeeda dowladda dhexe taasoo ay madaxda Jubba ka biyo diideen isla markasna ay tilmaameen inuusan wax badan ka hirgalin heshiiskala gaaray wareejinta mamulka labadaasi xarumoodna ay ka horayso in heshiisku uu dhaqan galo.

Ammaanka magaladda Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay waxana la yareeyay dhaq-dhaqaaqa wadada dheer ee isku xirta garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyadda Kismaayo.

Ma jirto ilaa iyo hadda go’aan kasoo baxay shirkan balse dadka u dhabo galo arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya heshiiskan inuusan ka socon karin dhanka DF oo ku mashquulsan ilaa iyo hadda dhismaha mamul gobaleedyo ka mid noqda Federaalka.

Puntlandpost

WafdiDowladaKismayoBooqdey20140826_2 WafdiDowladaKismayoBooqdey20140826_1 WafdiDowladaKismayoBooqdey20140826_3