Ciidamada ammaanka oo howl galo dad badan lagu qab qabtay ka sameeyay degmada Wadajir

0
580

HowlgaloMuqdisho20140721Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa howl gal dad badan lagu qab qabtay ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo howl galkan intii uu socday uu saameeyay dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo isu socodka dadweynaha.

Howl galadan oo bilowday saakay waabarigii ayaa ciidamada waxay galayeen guryaha, iyagoo ka soo saarayay dhalinyaro, waxaana lagu daad-gureeyay gawaarida shabaqlaha loo yaqaano.

Howl galkan ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay suuqa weyn ee degmada Wadajir oo ka mid ah suuqyada ugu waa weyn magaalada Muqdisho, inkastoo markii dambe uu dib u furmay.

Mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan degmada Wadajir ayaa sheegay inuu arkayay ciidamada oo dadka ka qab qabanayay wadooyinka, waxaana dadka la qabto la geynayay xarumaha ciidamada si loo kala saaro.

Hey’adaha ammaanka ayaa howl gallo caadi ah ka sameeya magaalada Muqdisho, kaasoo inta badan lagu soo qab qabto dhalinyaro lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Shabaab.

Jowhar