Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo berri furmaya

0
210

XasanSheekhInKismayo20131101_3Mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta beelaha dega jubbooyinka uusan dib uga dhici doonin waqtigi loo asteeyay oo ku beegan 16-ka sep. oo beri ah.

C/llaahiihi Sheekh Ismaaciil “Fartaag” madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba ayaa sheegay in shirweynaha beelaha Jubbooyinka uu berri ka furmidoono magaalada Kismaayo, islamarkaana ergooyinka shirka ay ka kala imaandoonaan Muqdisho, Nairobi iyo gobolka Gedo.

“Fartaag” ayaa intaa ku daray in shirka ay imaan doonaan wakiillo ka kala socda dowladda Federaalka urur goboleedka IGAD iyo beesha caalamka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in shirkaasi uusan ka dib dhici doonin maalinta berito ah.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa dadaal ugu jira in shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha Jubbooyinka uusan dib uga dhicin waqtigii loo asteeyay oo ku beegan beri.

Radio Muqdisho