Wasaaradda arrimaha gudaha oo qorsheyneysa inay xafiis ka furato Kismaayo

0
386

Godax20140304Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay qorsheynayso inay xarun ka furato magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Goodax oo ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada ee ka qeyb-galaya shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka ee Talaadadii shalay ka furmay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeeddada ay wasaaradda xafiis uga furanayso Kismaayo ay tahay sidii dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose ay xafiiskaas uga heli lahaayeen adeegga ay uga baahan yihiin wasaaradda.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in 13 ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo khibrad u leh howlaha shaqo ee wasaaradda arrimaha gudaha ay ka howlgali doonaan xafiiskaas, isla markaa ay wasaaradda xafiisyo ka furan doonto gobollada Jubbada dhexe iyo Gedo.

Goodax ayaa hadalk ka jeediyay shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka, wuxuuna ka codsaday madaxda maamulka KMG ah ee Jubba in ay kala shaqeeyaan fududeynta adeegyada ay dadka ku nool gobollada Jubbooyinka uga baahan yihiin wasaaradda.

Bar-kulan