Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

0
658

XasanSheekhTravellingWafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb-galaya xafladda furitaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), saraakiil ka tirsan AMISOM, wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday urur goboleedka IGAD iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga madaxweynaha waxaa loo gelbiyay hoolka uu ka furmayo shirka ee ku yaalla xarunta caymiska ee degmada Kismaayo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ergada ka qeyb-galeysa shirka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyada oo sugidda amniga ay ka qeyb qaadanayaan ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba iyo ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM).

Bar-kulan

Weriyaha Bar-kulan ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo warramaya in maanta ay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyo xarumaha waxbarashada, isla markaana la joojiyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, si loo xaqiijiyo ammaanka.