Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Maxamed Cusman Cumar

0
754

MohamedOsman20141004_7Maka, Boqortooyada Sucuudiga, 06 Oktoobar 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Danjire marxuum Maxamed Cusman Cumar, oo ku geeriyooday London xanuun hayey awgiis.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Danjire marxuum Maxamed Cusmaan Cumar. Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa xubnaha qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta iyo umadda Soomaaliyeed dhammaanteed”.

Madaxweyna oo ku sagan magaalada barakeysan ee Maka oo uu ku gutey waajibaadka Xajka ayaa yiri “magaalada barakeysan ayaan ugu duceeyey in Illaaheey uu jannada Fardowsa ka waraabiyo Marxuum Maxamed oo in badan u soo shaqeeyay ummadda Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuum Maxamed Cusmaan Cumar uu ahaa muwaaddin waayo adag umadda Soomaaliyeed u soo qabtay howlo muhiim ah oo lama illoobaan ku ah taariikhdeenna, isla markaana Soomaaliya uga tegey dhaxal waxqabakiisa laamaha dowladda ee kala duwan ee muddada iyo qoraalladiisa uu sida shakhsiga ah isugu howlay oo wax badan laga baran karo.