Malaayiin xujey ah oo maanta isugu baxey banka Carafa

0
983

Maanta oo ay ku beegan tahay bisha sagaalaad carafa ayaa waxaan dhamaan xujeydii sanadkaan ka soo qayb gashay gudashada rukunka xajka ee ka kala yimid daafaha caalamka oo lagu qiyaasay in ka badal laba milyan iyo bar xujey ay taagan yihiin buurta carafa si ay u gutaan rukunka ugu muhimsan ee arkaanta xajka oo ah wuquuful carafa ama istaaga jabal carafa.

Hadabada guud ahaan xujeydaasi oo ay wejiyadoodu ka muuqato farx iyo reyn reyn oo ah inuu rabiga ka aqbalay iney martidiisa noqdaan ama duyuufu raxmaan iyadoo inta ay ku sugan yihiin buurta carafa ay xujeydaasi akhrisan doonaan quraan farabadan, takbiir iyo ducooyin ay alle ugu dhowaanayaa iyadoo wakhtiga qorax dhacana la filaayo iney xujeydaais ka soo baqoolaan buurta carafa.

Hadaba somaaaliya oo sanad kastbaa ka soo qayb gasha gudashada rukunka xajka ayaa waxaa sanadkaan ka soo soo qayb galay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ee soomaaliya mudane al xaaji xasan sheekh maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo iyadoo tiro kale oo gaareysa in ka badan todoba kun iyo shan boqol xujey soomaaliyeedna ay sanadkaan ka soo xajiyeen gudaha dalka soomaaliya iyadoo boqaallo kalw oo xujwy soomaaliyeed ah ay ka soo xajiyeen dalka dibadiisa.

Hadaba xujeydaa maanta nasiibka u heshay in istaagaan buurta carafa ayaa la filayaa in xilliga maqribnimadii u soo gudbaan magaaladda barakeysan ee musdalida oo ay joogi doonaan ilaa waaberiga si halkaasi ay uga urursadaan dhagax tuurka shedaan ka dibna ay toos u soo aadi doonaan jamaraadka si ay u bilaabaan dhagx tuurka sheydaan oo socon donoo sedax ilaa afar maalmood.

Hadaba markii ay xujeydaasi so gutaan dhagxaan tuurka sheydaanka ayey dib ugu soo laaban doonaan degaankoooda oo ku yaala magaaladda mina oo ay ku sugnaan doonaan inta ay ku guda jiraan fulinta arkaanta xajka.

Cali jaamac cilmi(cali kuus)
Marka cadeey news
Jidddah/sacuudi caraabiya

bankaCarafa_2 bankaCarafa_1