Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha oo ka socota Garowe

0
481

MadaxtooyadaPuntland20140125Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Sabti ah uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota Garowe, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

Ciidamo fara badan ayaa la dhigay wadooyinka gala iyo kuwa looga baxo magaalada Garowe, waxaana magaalada si aad ah looga dareemayaa diyaar garowga loogu jiro soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Maamulka Puntland ayaa Gudi u saaray soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha, waxaana gudigan ay ka shaqeynayaa hab maamuuska soo dhoweyntiisa iyo Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqan doona magaalada Boosaaso, gaar ahaan Dekeda oo uu u kuur geli doono qaabka ay u shaqeyso dekeda.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqon doonta tii u horeysay, tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Puntland ayaa kol hore xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ka soo hor-jeesatay heshiiskii maamul u sameynta gobolada dhexe.

Jowhar