Madaxweynaha oo xalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka

0
595

XildhibaanadaBarlamaanka20141108_7Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo kulamadan looga hadlay khilaafka iyo is mariga waaga siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda dowladda, kaasoo saameeyay hey’adaha ugu sareeya dowladda.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu la kulmay labada garab ee Xildhibaanada iska soo horjeeda, kuwaasoo uu kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa muranka u dhaxeeya, isla markaana loogu kala bixi karaa dastuurka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn la kulmay Xildhibaanada mooshinka ka geeyay Xukuumada, kuwaasoo ay is dhaafsadeen arrimo kala duwan, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanadu la sheegay inay shaki ka qabaan daacad ahaanshaha Gudoonka Baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay xubno ka socday Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka, kuwaasoo fikir ahaan qaba in mooshinka laga soo abaabulay Madaxtooyada, waxaana uu Madaxweynaha ka dalbaday inay joojiyaan buuqa iyo fowdada, isla markaana la ixtiraamo shuruucda dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la isku afgaran waayay kulankan, iyadoo Xildhibaanada ay diideen codsiga Madaxweynaha ee ahaa inay is xakameeyaan, isla markaana ku adkeystay in mooshinka aanu meel mari doonin, maadaama aanu sharci ku imaan.

Madaxweynaha ayaa raadinaya xalka Baarlamaanka, si loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ka bilowday, waxaana la ogeyn halka ay arrimahan ku dambeyn doonaan, maadaama xaaladuhu ay yihiin kuwo aad u cakiran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa shalay ka sheegay magaalada Muqdisho, ka hor inta aanu u dhoofin Jabuuti in kulanka Baarlamaanka uu dhici doono maalinta Isniinta, lana keeni doono Mooshinka, isagoo u digay xildhibaanada wali wada buuqa iyo fowdada.

Jowhar