Wasaaradda Waxbarashada oo tababartay Macalimiinta Iskuulada Sare ee Aada Dugsiyada

0
841

Wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u soo xirtay Tababar Macalimiinta dhawaan ay wasaraadu u qaadatay Dugsiyada sare ee Dowladda kuwaas oo lagu wado in dhawaan ay si toos ah u bilaabaan waxaan lagu qabtay Tababarka Hoteel Golobal ee Magaalada Muqdishu ee Dalkan Soomaaliya.

Xiritaanka Tababarka Macalimiinta waxaa ka hadlay ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Carabow Ibraahim Nuur iyo Agaasimaha Iskuulada Dowlada Maxamed Cilmi Tooxow waxayna sheegeen in Macalimiinta labaray habka macalinnimada iyo aqnoo korosi ku saabsan sidii ay uga soo bixi lahaayeen shaqada lagu aaminay.

Ku simaha Agaasimaha Guud Carabow waxa uu intaa ku daray Iskuulada sare ee hada ay wasaaradu furtay ay yihiin ilaa sadex Iskuula sara ah kuwaas oo haatanba shaqadooda ay bilaabatay, waxaan looga baahanyahay Macalimiinta inay dardar galiyaan Shaqada.

Agaasimaha Waxaada Dugsiyada Dowladda Barre sare Maxamed Cilmi Tooxow ayaa xusay inay jiraan caqabado hortaagan Iskuulada Dowladda laakiin loo baahanyahay in laga dabaasho, waxa uuna kula dardaarmay Macalimiinta inay muujiyaan dhabar adeeg shaqada lagu aaminayna ay ka soo dhalaalaan.

Inta uu socday Tababarka ayaa waxay Macalimiinta sameeyeen working group discussion halkaas oo ay isku dhaafsadeen aragti iyo aqoon waxay ka korar sadeen Siminaarka, iyagoo u fadhiya koox koox ayaa waxaa dhex socotay Xaawo Maxamed oo dhiiragalinaysay Macalimiinta.

Xaawo Maxamed oo kamid ah la taliyayaasha Wasaarada gaar ahaan dhinaca Haweenka iyo Dadka lixaadooda ay ka maqantahay ayaa iyaduna ka hadashay gabagabadii Tababarka Macalimiinta waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay aragto Gabdha Macalimiin ah oo doonaayo inay waxbaraan Caruurteena waana mid muujinayso sinaanta xaga shaqada raga iyo Dumarka waloow aan halkaan ku arkin tiradii aan uga baahnaa hablaha hadana waa bilaaw fiican.

Xaawo Maxamed ayaa ugu baaqday Gabdhaha Soomaaliyeed ee waxbartay inay ku dhiiradaan sidii ay wax u bari lahaayeen Ubadka oo ay qeyb uga noqon lahaayeen Macalimiinta la doonaayo inay wax ka dhigaan Iskuulada Dowlada.

TababarMacallimiin20141109_4 TababarMacallimiin20141109_3 TababarMacallimiin20141109_2 TababarMacallimiin20141109_1