Wasiirada Arimaha Gudaha,Gaashaandhigga, iyo Maaliyadda Oo Kismaayo Gaaray

0
102

WafdiDowladaKismayoBooqdey20140826_2Wafdigan oo uu hoggaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Fadaraalka Md C.laahi Goodax Barre ayaa waxaa Qeyb ka Ah Wasiirada Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane Iyo Gaashaandhigga Maxamed Sh Xasan Xaamud.

wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo si weyn ugu soo dhaweyey, xubno ka tirsan maamulka K.M.G ah ee Jubba iyo Qaar kamid ah dadweynaha Magaalada Kismaayo.

Wasiirada Ka socda Xukuumadda Soomaaliya Ayaa hadda, Madaxtooyada maamulka Jubba Kulan kula qaadanaya M.weynaha Maamulka K.M.G ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Sh Axmed Madoobe.

Illaa Iminka ma jiro wax faahfaahin ah oo laga bixiyay Ujedada Socdaalka Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, hase yeeshee waxaan idin soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee ka soobaxa wadahadalada socda iyo ujeedka socdaalkaasi.

Radio Muqdisho

LEAVE A REPLY