Wasiirka Dhallinyarada oo shir uu uga qeybgalay Azerbaijan ka war bixiyay

0
822

KhalidWasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya mudane Khaalid Cumar Cali oo dalka Azerbaijan kaga qeyb-galay shir caalami ah oo looga hadalayey sameynta siyaasada guud Dhalinyarada caalamka,kaasi oo ay ka qeyb galaeen madax ka socday 165 Wadan oo uu Soomaaliyana u matalayey Wasiirka Dhaliyarada Iyo Ciyaarha Khaalid waxaana shirka lagu qabtay magalada Baku xarunta Wadanka Azerbiajan kaas oo la qabtay 28 – 30 bishii October ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay waxana garoonka diyaradaha ku soo dhoweyey qaar ka mid ah howl wadeenadda Wasaaradda.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya mudane Khaalid Cumar Cali oo war baahinta kula hadalay qeybta nasashada garoonka diyaardaha magacalada Muqdishoo ayaa sheegay in shirkaasi gaba gabadii laga soo saaray war murtiyeed sheegaya in shan dalka oo Soomaaliya ay ku jirto laga taageero sameynta Siyaasadda Dhallinyarada Wadamadooda, taas oo Soomaaliya ay ku mutaysatay dadaalada ay sameynayso Wasaaradda Dhalinyarada Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu sameynaayo Siyaasadda Dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana ay ku soo dhameystirto sanadka soo socoda ee 2015 bisha May 15 keeda.

Mudane Khaalid Cumar Cali Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ay heshiis la galeen Hay’ad Caalami ah oo Wadamada Caalamka ka taageerta dejinta Siyaasadda Dhalinyarada, iyadoo sidoo kale ay Wasaaradu wada tashi ku aadan arrintaasi la yeelan doonto Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahan cidda ay quseyso.

Shirkan ayaa wajigiisa labaad lagu qaban doonaa Dalka Kuwait iyadoo lagu falan qeyn doona waxyaabihii ka qabsoomay yaboohii shirkan loogu balan qaaday shirkan lagu qabtay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Radio Muqdisho